Kulan ku saabsan tayaysiinta Waxbarashada Dugsiga Hoose/dhexe ee Darwiish oo galabta ka dhacday Xarunta Dugisga Darwsih

Dugsiga Hoose/dhexe ee Darwiish Garoowe ayaa lagu qabtey xaflad si heersare ah loo soo agaasimey taas oo ku saabsan tayeysiinta Waxbarashada Iskuulka iyo soo bandhigida waxqabadka maamulka cusub ee Iskuulka, waxaana xafladan ka soo qeybgaley masuuliyiin ka socota Wasaaradda Waxbarashada Guddiga Waalidiinta iyo Waalidiinta.

d2

Maxamed Saciid Yuusuf Maamulaha Cusub ee Iskuulka ayaa waxa uu sheegey in mudadii yareyd ee uu maamulka joogey uu wax badan qabtey isaga oo furey xafiis lagu magacaabo Student Affairs kaas oo Ardeyda ka caawinaya dhammaan waxyaalaha ay u baahan yihiin iyo cabashooyinkooda.

Waxa uu sheegey in uu doonayo in Waalidka iyo Iskuulka isku xirmaan si loo tayeysiiyo Waxbarasada Ardeyda oo ah mustaqbalka Waalidka iyo dadkaba.

Waxa uu sheegey in uu doonayo in la sameeyo Guddi si toos ah ula shaqeeya maamulka Iskuulka si la iskula socdo.

d6

Guddoomiyaha Waxbarashada gobolka Nugaal Xassan Cabdulaahi Cilmi ayaa u mahadnaqey maamulka cusub, waxaana uu sheegey in ay doonayaan in dhammaan Waxbarashada gobolka Nugaal la tayeysiiyo, si loo gaaro hadafka ah in la helo dad aqoon leh.

Waxa uu dhiiriyay in la sameeyo Guddi Waalid si la iskula jaanqaado, kaas oo la socda Waxbarashada Ardeyda.

d d1  d3 d4 d5

Ugu dambeytii, waxaa Xaflada soo xirey Agaasimaha Tacliinta sare ee Puntland ee Wasaaradda Waxbarashada Cali Jaamac.

Iskuulka Darwiish ayaa waxa uu ka mid yahay Iskuulada qaddiimiga ah ee Puntland, waxaana uu ka mid yahay sidoo kale Iskuulaadka ugu horeeyay ee burburka markuu dhacey dib loo furey.

 

Xigasho (Puntland-Post)

Scroll to Top