GAROOWE : Arday Waxbarasho Jaamacadeed dalka Ethopia u aadaysa oo xaflad saagootin ah loo sameeyay

Xarunta Wasaaradda Waxbarashada Puntland ayaa maanta lagu qabtay xaflad si heersare ah loo soo agaamisay taas oo lagu saagootinayay Arday gaaraysa 40 kuwaas oo wax ka baran doona 16 Jaamacadood oo ku yaala dalka Eth0pia waxaana saagootintan ka soo qaybgalay masuuliyiin ay ka mid yihiin M.Kuxigeenka Puntland Gen. Cabdisamad Cali Shire, Wasiirka Waxbarashada Cabdi Faarax Juxa iyo masuuliyiin kale.

 

Cabdi Faarax Juxa Wasiirka Waxbarashada Puntland ayaa waxa uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in maanta Arday ay u ambabaxaan Dalka Ethopia oo wax ka soo bartaan waxa uu u mahadnaqay dawladda Ethiopia wuxuuna sheegay in aad ugu faraxsan yihiin deeqda Waxbarsho ee la siiyay isagoo sheegay in sanadaha dambe ay filayaan tiro intaas ka badan in loogu deeqo.

Ardayda ayuu kula dardaarmay in ay illaashaan dhaqanka, dabeecada iyo wadanoolaanshaha dadka ay u tagayaan ayna muujiyaan dhaqan-wanaagsan oo tusaale wanaagsan u noqda Ummadda reer Puntland.

Safiirka Ethiopia u fadhiya Puntland

 

Safiirka Puntland u fadhiya dalka Ethopia aya waxa uu sheegay in Puntland iyo Ethopia uu ka dhaxeeyo xiriiro wanaagsan oo dhankasta ah dhanka ammaanka, dhanka Waxbarashada, dhanka ganacsiga wuxuuna sheegay in Puntland dalka Ethopia si wayn looga jecel yahay wuxuuna balan qaaday sanadada dambe in boqolaal Arday reer Puntland  ah ay gali doonaan Jaamacadaha dalka Ethiopia.

Gen. Cabdisamad Cali Shire M.kuxigeenka Puntland

 

M.kuxigeenka Puntland Gen. Cabdisamad Cali Shire ayaa waxa uu aad ugu mahadnaqay Wasaaradda Waxbarashada Puntland dadaalka ay samaysay wuxuu kaloo aad ugu mahadnaqay dawlada Ethiopia oo uu ku tilmaamay in ay yihiin walaalahood, wuxuuna sheegay in uu aad iyo aad ugu faraxsan yihiin deeqda Waxbarasho ee ay ka helleen dalka Ethopia ee waxbadan ka dhaxeeyo iyaka iyo Puntland.

 

Ardaydan oo gaaraysa 4o ayaa waxay wax ka baran doonaan 16 Jaamcadood oo ku yaala dalka Ethiopia sidan ayay wax u baran doonaan: 

Cilmi (Science) 

7 La xiriira Caafimaad dad iyo duunyaba

4 Injineeriya(Beero)

6 Cilmiga Xayawaanka

3 Cilmiga Dhirta

Isugayn            waa 20

Adab (Arts)

9 Maamulka, Dhaqaalaha, iyo Xiisaabadka

6 Sharci , Saxaafad,  iyo Xiriir  Caalami

5  luuqado

Isugayn 20

Wadarta Guud 4o.

 

Amaal Abdulahi

Minsrty Of Education Puntland Somalia

Media Unit

Scroll to Top