Dugsiga sare ee Xamadaan boosaso oo Maalintii labaad xil Wareejintiso socoto.

31/08/2015.Waxaa Maanta oo isniin ah  taariiqduna ay ku beeganayd  kulan ku yeeshay  Xafiiska Dugsiga sare ee Xamdaan Maamulka cusub ee  iskuul ka xamdaan iyo Maamulkii hore ee is kuulka Xamdaan ustaad Dayib C/abdala Aababakar iyo  C/qaadir Maxamed Qorax  oo ah Maamulaha cusub waxaana kulan kan goob joog ka ahaa  xunbno ka socday Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland  iyo Agaasimaha waaxda imtixaanadka ee Wasaarada Waxbarashada Puntland Axmed Maxamuud Warsame iyo Agaaasimaha Waaxda tayeynta manahijta iyo kormeerka oo Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare C/qaadir Nuux yuusuf iyo Gudoonka Waxbarashada Gobolka Bari Maamo shamso Muuse koonte

Kulan kan ayaa looga hadlay sidii loo heli lahaa xuquuqdii ay lahaayeen Maamulkii hore ee iskuulka iyo Macalimiintiisii oo dhamantood ahaa Macalimiin udhalatay dalka Suudaan. waxaana Dugsigan  Xamdaan gacanta ku hayasay Hay,ad ka dii wan gashanayd Dalka suudaan oo Mudo ku siman 12 sano Gacanta ku haysay Dugsiga waxana lagu balamay in dhamaan shaqalihii hore ee is kuulka ay heli doonaan xuquudooda mudo laba maalmood Gudohood sida uu Goobta uu ka sheegay Agaasimaha waaxda imtixaanadka ee Wasaarada Waxbarashada Puntland Axmed Maxamuud Warsame ,

Dadwaynaha ku dhaqan Magaalada Boosaaso gaar ahaan xafada uu ku yaalo iskuulka Xamdaan ayaa lafaray  in iskuul ka uu si habsami leh ufurmi doon Bisha sagaalad 1 deeda iyadoo is kuul ka wixii hada ka danbeeya uu ku dhaqmi doono Manhajka waxbarashada ee Puntland  Dugsigana uu lamid noqon doono Dugsiyada kajira Puntland,

Agaasimaha waaxda imtixaanadka ee Wasaarada Waxbarashada Puntland Axmed Maxamuud Warsame  ayaa sheegay in Wasaarada waxbarashada Puntland ay garabtagan tahay Dugsiga isagoo in taas  ku dara in Dugsiaga xamdaan laga dhigidoono Dugsi dhamaystiran oo leh qaybihiisa kala duwan iyadoona hada  isqorista ay  si toos ah Dugsiga ugasocoto waxaana uu intaas uu  hadalkiisa sii raaciyay in ardaydii sanadakan fon for ka ahayd ee Manhajka suudan wax ku soobaranaysay inloodhamaystiri doono wax barashadoodii loona qaban doono macalimiin wax udhigta  imtixaankana ay ka qaadi doonto Wasaarada wax barashada puntland  waxayna ardaydu qaadan doonaan shahaadada ay bixiso Wasaarada Wax barashada Puntland ,

Maamulaha Cusub ee ku meel garka ah ee Dugsiga sare ee Xamdaan ustaad C/qaadir Maxamed Qorax oo Madasha ka hadlay dhan kiisa ayaa sheegay in is kuulka ay hada diyaar ku yihiin Macalimiintii hore ee Dugsiga Xamdaan Digijirtay  isagoo intaa kudaray in ay albaabada dugsiga ay ufuran yihiin Maanta wixii ka dan beeya dadka dagan xaafada Xamdaan oo uu kuyaalo iskuulka iyadoo waalidiinta loogu baaqay  in hada wixii kadanbeeyaya  ay keeni karan iskuulka caruurtooda dugsigana uu yeelan doono Waxbarashada Hoose Dhaxe  Galin hore iyo Galindanbeba,

Sikastaba ha ahaatee Dhawaan ayaa waxaa lafilaya in Gobolada Puntland ay si tooos ah uga furmo sanad Dugsiyeedka 2015-2016 ,

[Hoos kadaawo sawirada ]

15

 

13

 

8

 

7

5

4

 

2

1

 

Scroll to Top