Dugsiga sare ee Sheekh Cusmaan-Qardho Degmada Qardho, ee Gobolka Karkaar.

Dugsiga sare ee Sheekh Cusmaan-Qardho Degmada Qardho, ee Gobolka Karkaar.
Maamulaha dugsiga sare ee Sheekh Cusmaan ee degmada Qardho ayaa 25 casho isbeddel fiican ku sameeyey dugsiga, isaga oo kaashanaya macallimiinta dugsiga iyo Guddiga waaliddiinta.
Maamule C/raxmaan Maxamed Saalax ayaa sameeyey xafiisyo goonni u ah shuruucda ardayda, isaga oo la kaashanaya xafiisyo kala duwan ee dugsigu leeyahay, waxa uu dhisay guddiyo iskudhafan oo illaa heer dugsi ah (Guddiga Waalidka ayaa kaalinta ugu muhiimsan qabanaya).
Asbuucii hore jadwalka dugsiga ayuu fariisiyey, jadwalkan ayaana lagu qabtay hawlo kala duwan:
B. Todobaadka diyaar-garowga, guddiyada dhisan waxay diyaarinayaan dugsiga.
T. Todobaadka 2aad : Anshaxa ardayga iyo awaamiirta maamulka.
Waxaana ka mid ahaa sharuudaha, magaca ardyaga oo saddexan, telefopnka waalidka, magaalada xaafadda uu ka degan yahay ardaygu, heerka aqoonta ardayga, maaddooyinka ardaygu ku fiican yahay, imtixaan joogto ah asbuucii, nadaafadda, adaabta iyo quruxda ka muuqato ardayga.
Wacyigelinta waaliddiinta oo mar walba xaaladda ardayga lala socodsiiyo.
Ka qaybgalka wacyigelinta iyo kahortagga Cudurka CORONA VIRUS.
Shirarka waalidka-macallinka oo diiradda saaraya wadaagidda iyo
sharraxaadda hormarka ardayga (ugu yaraan abuucii mar).
Maamulaha dugsiga ayaa ka hadlay khilaafka ardayga iyo macalinka:
“Macalinku waxa uu ardayda uga saari karaa fasalka habdhaqan xun oo rabsho ku ah nidaamka waxbarasho, tan waxaa loo yaqaan “rabshada fasalka.”
Rabshada kahor, macallinku waa inuu isku dayaa inuu caawiyo ardayda si uu ugu dhaqmo wixii looga fadhiyo.
Shuruucda habdhaqanka cusub waxaa lagu dhiirrigeliyaa
dugsiyadu inay adeegsadaan qaab wanaagsan iyo kaliya inay ardayda saaraan marka xal kale la waayo, haddii
habdhaqanka ardaydu khatar ku yahay dadka kale ama uu mushkilad wayn ku yahay nidaamka waxbarasho,
macallinku waa inuu ka saaraa ardayda oo uu sida ugu dhakhsaha badan u wargeliyaa maamulaha” ayuu maamumuluhu ku sharxay hadalkiisa.
92 59 60 61 62 63 64 65 67 69 70 71 72 73 74 75 76 79 80 81 82 83 84 86 87 88 89 90 91
Scroll to Top