Dugsiga sare ee Gambool oo Door muhiima ah ka qaatay Taakulada Abaaraha Ka Jira Puntland.

1/Dec/2016- Maamulka Dugsiga Sarre ee Gambool ayaa maanta ku wareejiyay Guddiga Gurmadka Abaaraha ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Guddiga Sarre ee Taakulaynta Abaaraha ka jira Puntland deeq isugu jirta Raashin, Dhar iyo Lacag ay soo aruuriyeen Ardeyda dhigta dugsiga sarre ee Gambool magaalada Garowe.

Maamulaha Dugsiga Sarre Gambool Cali Ibraahim Xuseen (Cali Sudan) ayaa munaasabad ka qabsoontay xarunta Iskuulka  si rasmiya ugu wareejiyay Guddiga Sarre ee Taakulaynta Abaaraha iyo Guddiga Wasaaradda Waxbarashada deeqda ka timid Ardeyda Gambool oo ka mid ahayd middii ugu balaarneyd oo ardeyda iskuuladu ugu deeqaan dadka ay saameeyeen abaraha ku dhuftay dhulka Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sarre Prof Abshir Awyuusuf Ciise oo goob joog u ahaa goobtii lagu wareejiyay deeqda ka timid Gambool Secondry School ayaa ku amaanay  doorka iyo kaalinta lama ilaawaanka ah oo Ardeyda iyo Maamulka Iskuulka Gambool ka qaateen gurmadka abaaraha.

Ardeyda Gambool Garowe

Dhinaca kale Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf oo ah Gudoomiyaha Guddiga Taakulaynta Abaaraha Puntland ayaa ugu duceeyay Ardeyda iyo maamulka Gambool inuu alle ka siiyo  bedel kheyr qaba kaalinta taakulo ee ay ka geysteen abaaraha ka jira Puntland.

GAMBOOL wuxuu ka mid yahay Hantida Dowlada, Waana mid ka mid ah Iskuulada leh taariikhda Faca-weyn oo ay dhigtaan tirada ardeyda ugu badan xarumaha waxbarasho ee ku yaala magaalada Garowe.

 Hoos Ka Daawo Sawiradda 

img_9130img_9146img_9155img_9159img_9171img_9175img_9183img_9186img_9188img_9194img_9225img_9228img_9232img_9233img_9146img_9207img_9205img_9036img_9033img_9023img_9021img_9017

Scroll to Top