Dugsiga sare Demada eyl oo ka qalan jabisay ardayda Sanadka imtixaanka u fariisanysa.

25/April/2017- Dugsiga sare ee Degmada eyl ayaa waxaa ka qalan jabiyey arday gaaraysa 30 arday oo isku jira wiilal iyo Gabdho.

Xaflada Qalan jabinta ayaa waxaa ka soo qayb galay maamulka Degmada, maamulayasha iskuulada Macalimiinta. Maamulayasha Jaamacadaha Gobolka Nugaaal.

Xafladan ayaa ugu horayn ka hadlay C/fataax Muuse ahmed oo ku hadlaya magaca maamulka iskuulka eyl waxaan ku farax sanahay inaan ka soo qeybgalo munaasabada qalin jabinta ah, waa guul aad gaarteen waa idiin hambalyeenaa, waxaan idiin leeyahay howshaan sii wada ma dhamaan cilmiga iyo imtixaan ku guulaysataan.

Mamulaha Dugsiga sare ee Degmada eyl ayaa inta uu joogay waxaa uu keenay isbadel dhinaca waxbarshada iskuulka.
iskuulka Dugsiga sare oo horay looga baran kaalmaha hore imtixmaadka Puntland ayaa sanadkii dhaweyd helay deeqo Waxbarasho.

Gudoomiyaha University of Boosaso ee farceeda Magalada Garowe Abdirisaq Qowlle oo goobta hadal koban ka jeediyay ayaa isna bogaadiya arday qalin jabiyay,ka maamul ahaana sheegay in ay sii wadi doonaan Tacliintooda sare ”
Runtii farxad weyn ayay ii tahay inaan arko ardayda ka soo baxday Dugsiga sare eyl, waana sanadkii labaad oo imaado degmada eyl guul ayaa idiin rajeynaa siina wada waxbarshadaiina,maamul ahaan University of Boosaso waxaa sii balaarin doonaa dhanka kuliyadaha inta badan waxaan ku dadaalnaa inaan soo saanro arday tayeyeysan oo degmada eyl ka timi.

Jaamacadaha garowe ayaa ku tartamya ardaydaa si ay ugu soo biiran jamacadahooda 30 arday.

Darsaad ay samaysay Wasaaradda Waxbarshada iyo Tacliinta sare ayey Wasaaradu ku ogaatay Ardayda Gobolka Nugaal oo dugsiyada sare ka qalan jabiyey ayaa jaamacada psu ardaydii ugu tirada badnaa iska diiwaan galiyeen 2015-16.

1- PSU
2- University of Boosaso ee farceeda Magalada Garowe.
3- Bariga Africa fareecada magalada Garowe.
4- Admis University farceeda magalada garowe.

Dhinaca kale Ardayda dugsia sare ee Degmada eyl ayaa raashin isku jira bur, bariis, sonkor, saliid u qaybisay 45 qoys oo dadkii abarihii saameeyeen ah, ardaydas oo lacagta iska soo uruurshay.

18 4 5 6 7 8 9 10 11 13

 

By Deeq hurevov.

Madaxa isku xirka Wasaaradda Waxabarashada iyo Tacliinta sare ee Dowlada Puntland.

Scroll to Top