Dowladda Puntland oo sheegtay in xukuumada federalku weli hor istaagan tahay aqoonsiga shahaadada Puntland.

05/07/2014  Wasiirka waxbarashada  ee Dowlada Puntland Cali Xaji Warsame ayaa shaaciyay inay weli dowladda federalka Soomaaliya hor istaagan tahay sidii Shahaadada waxbarasho ee Puntland uga shaqayn lahayd dalka Suudaan oo ay sanad walba waxbarasho u aadaan boqolaal katirsan ardayda reer Puntland ee ka baxda dugsiyadda sare.

Wasiirka oo dhawaan socdaal ku tagay dalka Suudaan ayaa sheegay inay taagan tahay qoraal hadda kahor dowladdii kmg ahayd u dirtay Suudaan oo ay ku codsanayso inaanan la aqbalin shahaado aan ahayn mida dowladda dhexe.

Arintaan ayuu sheegay wasiir ku inay saamayn ku leedahay ardayda deeqaha waxbarasho looga helo dalka Suudaan oo lagu xiridoono inay la yimaadaan shahaadada wasaaradda waxbarashada ee dowladda federalka Soomaaliya.

Wasiirku wuxuu intaa ku daray inay arintaan ubaahan tahay shaqo badan ayna tahay markii labaad oo Puntland wefdi kasocda uu tago Suudaan tan iyo intii uu qilaafka soo kala dhexgalay Puntland iyo dowladda federalka. Inkasta o uu sheegay inay qabaan rajo wanaagsan oo la xiriirta in xanibaada laga qaadidoono shahaada Punland.

 

Wasaaradda Waxbarashadda Puntland.

Deeq Maxamed Warsame

Contact number+2525743400

Deeq. hurre99@Gmail.com

 

Scroll to Top