Deeq Waxbarasho Oo Ay Heshay Puntland Oo Imtixaankeedii Lo Fariistay

Ku dhowaad 4,000-arday ayaa maanta magaalada Garoowe ugu fariistay imtixaan kaas oo lagu tartamaayo deeq waxbarasho oo ka timid dalka Turkiga.

Imtixaanka oo ay qaadayaan masuuliyin ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada Turkiga oo dhowaan soo gaarey degaanada Puntland ayaa waxaa ka qaybgalay arday ka kala yimid gobolada Puntland.

Ardayda oo isugu jira wiilal iyo gabdho ayaa isku jira kuwa soo dhameeyey dugsi sare iyo kuwa ka baxay dugsiga dhexe,waxaana uu imtixaanka ka dhacay dugsiga caanka ee Gambol Secondary School .

 

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Puntland Dr.Cabdi Faarax Siciid (Juxa) oo la hadlay Saxaafada imtixaanka kadib ayaa sheegay in imtixaankaan uu yahay mid uu ka qaybgali karo arday kasta oo Soomaali ah.

Wuxuu intaas raaciyey in Wasaaradda ay dusha kala soconayso balse ay imtixaanka soo diyaariyeen isla markaana sixi doonaan masuuliyinta kasocota Wasaaradda Waxbarashada Turkiga.

 

 

Amaal Abdullahi Ali

Ministry  Of Education Puntland

Media Unit

Scroll to Top