Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare ee Puntland oo Kormeer ku maray Iskuulo ku yaala Gobolada Nugaal iyo Karkaar

25/May/2015- Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta sare ee Puntland Mudane Cali Xaaji Warsame,ayaa Kormeer uu ku maray Iskuulo ku yaala Gobolada Nugaal iyo Karkaar,waxaana Kormeerka ku weheliyay Agaasimaha Waaxda Imtixaamaadka Axmed Maxamuud Warsame,Agaasimaha Waaxda Tacliinta Sare Cabdullaahi Cali Jaamac iyo Agaasimaha Tayaynta Waxbarashadda iyo Manaahijta Cabdulqaadir Yuusuf Nuux.

Mudane Cali Xaaji Warsame ayaa Kormeerkiisa ugu kuurgalaya habsami u socodka Imtixaanka Shahaadiga ah oo galay maalintii saddexaad,kaasi oo ka soconaya guud ahaan Gobolada Puntland.

Intii uu socday Kormeerku wuxuu Wasiirku uu indhaindheeyay hannaanka uu u socdo Imtixaanka iyo sida ay u illaalinayaan Macalimiintu.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta sare ee Puntland Mudane Cali Xaaji Warsame oo la hadlay Saxaafadda,ayaa sheegay inuu sidii loogu talagalay uu u socdo Imtixaanka Shahaadiga ah,wuxuuna Macalimiinta iyo Kormeerayaasha ku amaanay qaabka ay u illaalinayaan Imtixaanka.

Cali Xaaji Warsame ayaa Ardayda ugu hambalyeeyay dadaalkooda Waxbarasho iyo sida ay uga go’an tahay inay ka dhabeeyaan hankooda Waxbarasho.

Dhanka kale,Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland Mudane Cali Xaaji Warsame ayaa Arday baratay Farsamada gacanta ku guddoonsiiyay magaalada Qardho shahaadooyinkooda Waxbarasho,waxaana Ardaydu ay isugu jireen Wiilal iyo Gabdho.

Puntland ayaa hormar balaaran ka gaartay Waxbarashadda,waxaana Umada Soomaaliyeed ay horay u qireen in Puntland ay mudan tahay in looga daydo hormarka Waxbarasho ee ay samaysay.

  Hoos Ka Daawo Sawiradda

IMG_1642IMG_1799IMG_1716 IMG_1721 IMG_1722 IMG_1728 IMG_1733 IMG_1734 IMG_1742 IMG_1743 IMG_1747 IMG_1748 IMG_1783 IMG_1792 IMG_1794 IMG_1797 IMG_1798 IMG_1807 IMG_1808 IMG_1817 IMG_1818 IMG_1821

 

IMG_1630 IMG_1631 IMG_1634 IMG_1636 IMG_1637 IMG_1640 IMG_1638 IMG_1633

 

 

IMG_1698 IMG_1643 IMG_1645 IMG_1646 IMG_1655 IMG_1659 IMG_1660 IMG_1672 IMG_1674 IMG_1676 IMG_1677 IMG_1678 IMG_1679 IMG_1682 IMG_1683 IMG_1684

IMG_1702 IMG_1703 IMG_1704 IMG_1705 IMG_1706 IMG_1707 IMG_1712 IMG_1714 IMG_1715 IMG_1716 IMG_1717 IMG_1718 IMG_1721 IMG_1722 IMG_1723 IMG_1724 IMG_1726 IMG_1728 IMG_1729 IMG_1734 IMG_1736 IMG_1742 IMG_1743 IMG_1744 IMG_1745 IMG_1763

IMG_1776 IMG_1777 IMG_1781 IMG_1786 IMG_1808 IMG_1817 IMG_1818 IMG_1820 IMG_1821 IMG_1822 IMG_1831 IMG_1835 IMG_1843 IMG_1844 IMG_1847 IMG_1848 IMG_1851 IMG_1852 IMG_1853 IMG_1854

IMG_1884 IMG_1854 IMG_1863 IMG_1865 IMG_1866 IMG_1869 IMG_1870 IMG_1871 IMG_1872 IMG_1874 IMG_1875 IMG_1876 IMG_1877

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

IMG_1880 IMG_1881 IMG_1882

Scroll to Top