Daahfurka Barnaamijka iskaashiga Caalamiga ah ee Waxbarshada Puntland.

23/10/2017- Waxaa  magaalada Garowe ee caasimadda Puntland lagu daahfuray wajigii labaad mashruuc ku saabsan taageerada iskaashiga caalamiga ah ee waxbarashada Puntland.

Mashruucaan oo ay si wadajir ah isaga kaashanayaan wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowladda Puntland iyo hay’addaha deeq bixiyaasha, ayaa lagu xoojinayaa nidaamka waxbarasho ee Puntland, waxaana lagu bixindoonaa dhaqaale gaaraya 5.6 milyan oo dollar.

Mashruucaan oo socondoono 3 sano wuxuu wasaaradda waxbarashada ka taageeridoonaa inay sameyso buugaagtii akhriska ee dugsiyada hoose/dhexe ee Puntland. Waxaa sidoo kale uu mashruucaan fursado waxbarasho siindoonaa danyarta, iyadoo ay ka faaidaysandoonaan illaa 2,650 oo ah arday danyar ah.

Waxaa kale oo looga faa’idaysandoonaa mashruucaan in tababar lagu siiyo 1,500 macalin, in kor loogu qaado tayada imtixaanka shahaadiga ah iyo arrimo kale oo muhiim ah oo laga sheegay munaasabada daahfurka mashruucaan.

Wasiirka waxbarashada dowladda Puntland, Dr, Abshir Yuusuf Ciise, ayaa sheegay mashruucaan inuu wax ka qabandoono baahida ka jirta waxbarashada Puntlan, wuxuuna mudnaanta koowaad, labaad iyo saddexaad ku kala sifeeyay, in la xoojiyo nidaamka iyo siyaasadaha hagaya waxbarashada Puntland, baahinta waxbarashada oo gacanta laga geysto iyo tayada waxbarashada.

Wasiirka waxbarashadu wuxuu wax laga farxo ku tilmaamay in saddex kun arday ku dhow oo kasoo jeeda qoysaska danyarta laga bixindoono qarashkooda waxbarashada.
Guddoomiyaha barlamaanka Puntland, Axmed Cali Xaashi, ayaa soo dhoweeyay mashruucaan balaaran, waxaana uu ku baaqay in la gaarsiiyo dhulka ka baxsan wadada laamiga oo ay ku sheegay inay ka jirto baahi waxbarasho oo dheeri ah.

Guddoomiyaha barlamaanka Puntland ayaa ammaanay nidaamka waxbarashada Puntland, isagoo qiray in wasaaradda waxbarashu mudan tahay in miisaaniyada loo kordhiyo.

Wajigii hore ee mashruucaan, ayaa guulaha looga gaaray waxaa kamid ah, in kor loogu qaaday tababarka macalimiinta, masuuliyada iyo la xisaabtanka macalinka, taageerada dugsiyada waxbarashada iyo qodobo oo muhiim ah.

Hoos Ka Daawo Sawirada.

1D1A0108 1D1A0113 - Copy 1D1A0177 1D1A0186 1D1A0285 1D1A0288 1D1A0316 1D1A0378 1D1A0117 1D1A0120 1D1A0127 1D1A0129 1D1A0130 1D1A0177 1D1A0186 1D1A0190 1D1A0193 1D1A0250 1D1A0251 1D1A0257 1D1A0260 1D1A0262 1D1A0263 1D1A0264 1D1A0265 1D1A0272 - Copy 1D1A0272 1D1A0273 1D1A0282 1D1A0285 1D1A0286 1D1A0290 - Copy 1D1A0293 - Copy 1D1A0301 1D1A0305 1D1A0311 - Copy 1D1A0328 1D1A0332 1D1A0360 1D1A0361 - Copy 1D1A0365 1D1A0370 1D1A0375

by Deeq Hurevov Madaxa isku xirka Wasaaradda Waxabarshada iyo Tacliinta sare.

Scroll to Top