Ciyaar lagu Maamusayo maalinta Caruurta Africa ayaa waxa wada qabaty Wasaaradda Waxbarashada iyo Wasaaradda haweenka puntland.

Ciyaar lagu maamusayo maalinta Caruurta Africa ayaa lagu qabtay xarunta Tababarka macalimiinta Puntland ee GTEC taasoo ay kasoo qayb galeen masuuliyiin ka socda wasaradaha waxbarashada iyo Haweenka.

Gudoomiyaha waxbarashada Gobalka Xaashi Xuseen Faarax Nugaal ayaa sheegay ciyaartan inay tahay mid loogu talo galay in lagu maamuso maalinta Caruurta Africa wuxuna ku booriyay waalidiinta inay ilaaliyaan xaquuqda ay caruurtu lee yihiin.

Waxaa ka qayb qatay  Donoriskan maalinta dhalaanka africa, Unicef,  Relief International , Mercycorps, CARE, ADRA. Save Children, RI, World Vision, SFS iyo Adeso.

Ciyaartan ayaa dhexmartay Arday matalaysay Dugsiyada sare ee Gambool iyo Nugaal waxana ugu danbayntii badisay Dugsiga Nugaal.

Wasiirka Haweenka Puntland Aniso Xaaji Muumin ayaa dhankeeda sheegtay inay ku faraxsan tahay qaabka ay ciyaartani u dhacday waxayna tilmaamtay inay aad u wanagsan tahay in xili kasta la dhiiri galiyo caruurta si ay u dareemaan naxariis iyo in ka tixgalinayo xaquuda ay lee yihiin.

Sahro Kooshin oo ka tirsan wasaradda waxbarashada kana mid ahayn dadkii soo qaban qaabiyay munaasibadda ayaa dhankeeda tilmaamtay in si guul ah ay kusoo dhamaatay munaasibadii maalinkii loo qabtay xuska caruurta Africa.

Daawo Sawiradii ciyaarta lagu Q abtay xarunta Tababarka macalimiinta Ee (GTEC)

IMG_3373 IMG_3380 IMG_3386 IMG_3407 IMG_3408 IMG_3412 IMG_3441 IMG_3442 IMG_3445 IMG_3446 IMG_3447 IMG_3450 IMG_3453 IMG_3455 IMG_3457 IMG_3465 IMG_3467 IMG_3497 IMG_3500 IMG_3715 - Copy (2) IMG_3718 IMG_3720 IMG_3724 IMG_3725 IMG_3729 - Copy IMG_3739 IMG_3742 IMG_3744 - Copy (2) - Copy IMG_3744 - Copy  IMG_3749 - Copy - Copy IMG_3753 - Copy - Copy IMG_3762 - Copy - Copy IMG_3768 IMG_3773 - Copy - Copy - Copy IMG_3776 - Copy (2) IMG_3776 IMG_3781 - Copy - Copy - Copy

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Wasaaradda Waxbarashada puntland

Deeq Maxamed Warsame.

Contact Number+252574300

Deeq.hurre99@gmail.com.

 

Scroll to Top