CHICAGO: Wasiirka Waxbarashada Puntland oo lagu soo dhoweeyey Chicago

Jaaliyada puntland ee Chicago oo soo dhawayn u samaysay wasiirka wasaarada waxbarashada ee dawlad goboleedka puntland, Mr: Abdi farah Juxa. Wasiirka oo shaqada wasiirnimo qabtay sadexsano ka hor ayaa ka sheekeeyay shaqada wasaaradiisa iyo heerarka ay soo martay, waxuu sheegay markay xafiiska yimaadeen ay puntland oo dhan ay ka hawl  gali jireen macalimiin gaaraysa ilaa 200, hadana ay ku dhawyihiin ilaa 5000 oo macalin oo intooda badan ka hawlgala iskuulada dawlada iyo kuwo gaar loo leeyahayba oo ay waxka bartaan in kabadan 135,000 oo arday

Waxuu kalo sheegay in iskuulada heerarka kala duwan ee puntland ka furan ay aad ubateen marka loo fiirsho dhawrsano ka hor. Wasiirku waxuu ka sheekeeyay horumarka lataabankaro oo ay wasaaradiisu ku talaabsatay, ay ka mid tahay dhinaca manaahijta oo wasaaradu ku guulaysatay in hal manhaj loo sameeyay Puntland oo dhan, oo hada ardayda ka qalinjabisa dugsiyada sare ee Puntland shahaadadoodu ay muctarif tahay, islamarkaana waxbarasho jaamacadeed kaga raadsan karaan wadamada qaarkood oo aqoonsaday shahaadadaas.

Wasiirku waxuu sheegay in ay arday farabadan ay ka qalinjabiyaan jaamacadaha Puntland sanad kasta, islamarkaana ay wasaarada waxbarashada Puntland iyo ka wasiir ahaanba ay wakhti badan galiyaan siday ardada ka qalinjabisa dugsiyada sare ee puntland ay u heli lahaayeen macalimiin {quality} tayo leh, si ay u noqdaan kuwo waxbarashooda jaamacedeed ula qabsada si fudud. Qaar badan oo ka mid ahna ay wassaradu ku guulaysatay inay u heshay waxbarasho dibadeed {Scholer ship} .

Ugu danbayntii waxay jaaliyadu u hambalyaysay wasiirka iyo shaqada wanaagsan oo uu wadankii kahayo, iyadoo jaaliyadu ay ku qiimaysay inuu kamid yahay wasiirada shaqadoodii ka soo baxay.

Waxaa shirkaas ka qayb galay waxgaradka jaaliyada iyo aqoonyahanka Puntland Chicago  oo ay ka mid yihiin

Farax islaan Abdulle

Mahamed Khaliif

Farax fargeeto

Abdirahman Timo jilic

Abdirahman Jalalooti

Chairman Puntlan DiasporaChicago

Mohamed Haji {Nahaar}

Exsacutive Director

Barkhad Timir

 

 

Amaal Abdulahi Ali
Ministry Of Education
Puntland Somalia
Scroll to Top