Casho sharaf loo sameeyay, Marti sharafta ka qeyb-galeysa , Barnaamijka Codka Abuurka

Waxaa caawa lagu qabtey magaalada Gothenburg, casho sharaf ey ka qeyb-galeen, marti sharafta ka qeyb-galeysa, shirka codka Hal-Abuurka Soomaalida. Cashadan oo ey soo qaban-qaabsheen Jaaliyada Puntland  Community Organization ee magaalada Gothenburg, waxana halkaas ka Hadley dhamaan marti sharafta ka timid dunida daafaheeda, ugu horeyn waxaa shirka furey mudane Cabdulaahi Jowhar, oo isagu madax ka ah Jaaliyada Puntland ee Magaalada Gothenburg, waxana uu mahad-naq ujeediyay dadkii kasoo qeyb-galey, waxana uu xusey in shirkan ey qabteen uu ahaa mid lagu nooleynayo afka Soomaaliga, isla-markaana lagu soo bandhigey Qoraalada Afka-Soomaaliga, mudane Abdulaahi Jowhar, ayaa ugu danbeyn hoosta ka xariiqey in shirkan oo kale ey qaban-doonaan sanadaha soo socda hadii Eebe uu raali ka noqdo.

Waxaa isna goobta ka Hadley, Sakariye Isticmaar, oo isagu wakiilka guud ee Europe u ah Hayada Daryeelka Puntland ayaa ka warbaxshey sida uu ugu farxsan yahay ka qeyb-galka Barnaamijka Taariikhiga ah, waxana uu qirey iney muhim tahay in la helo Jiil dhaxla Afka Soomaaliga, isagoo ka codsadey dadkii joogey madasha iney siiyaan fursad ey afka Soomaaliga ku xifidin lahaayeen, Sakariye, ayaa sidoo kale ka Hadley wax-qabadka Hayada Daryeelka Puntland, isagoo tilmaamey in loo baahan yahay in Jaaliyada reer Sweden ey ka qeyb-qaataan horomarka Dalka, iyagoo dib ugu celinaya dalka Aqoonta iyo Waaya-Aragnimada ey ka heleen Sweden. Waxaa isla goobta ka Hadley, Wasiirka Waxbarashada Puntland, Abdi Faarax Juxa, oo isagu mahad-naq u jeediyay dadkii cashadan iyo Shirkan weyn qabtey, isagoo muujiyay dareenkiisa ku aadan khatarta Afka Soomaaligu ku jiro, iyo sidii loo heli lahaa dad ilaasha Afka Soomaaliga iyo Suugaantiisa, waxana uu Wasiir Juxa ka hadley in haatan ey jiraan Qoraayaal Soomaali oo ku mashquulsan qorista iyo keydinta Afka Soomaaliga loona baahan yahay in la dhiiri-gasho dadkaas, ugu danbeyn Wasiir Juxa, ayaa codsadey in Jaaliyada Puntland ey ka qeyb-qaatan  horomarka dalka.  waxaa sidoo kale halkaas lagu soo bandhigey, barnaamij dood wadaag ahaa oo ey ka qeyb-galeen Prof Saciid Saalax, Warsan Cismaan Saalax Sahra Kooshin, Sakariye Isticmaar, Wasiir Juxa, Abwaanad Caasha Cuud, Zeynab, iyagoo ka doodey sidii loo kobcin lahaa Afka-Soomaaliga, iyo in luuqada Soomaaligu ey noqoto mid dhaxal gal ah. Gabagabadii , waxaa la baxshey Hadiyado lasiiyay dadkii marti-sharafta ahaa ee ka kala yimid Europe America Somalia.

Amaal Abdulahi Ali

Ministry Of Education

Media Unit

 

Scroll to Top