Boqashadii Raysal Wasaare Abdiwali Maxamed Ali Gaas Uu Ku Yimi Caasumada Puntland

Wafdi isugu jira wasiiro iyo xildhibaano oo uu hogaaminayo R/wasaaraha xukuumada Somalia ayaa iminka waxay ka degeen garoonka Konoco ee magaalada Garoowe.

Madax ka tirsan xukuumada Puntland oo uu horkacayo Madaxweynaha Puntland Dr. C/rixmaan Sheekh Maxamed Faroole iyo shacab faro badan ayaa kaga hortagay wafdiga garoonka Magaalada Garoowe, waxaana si weyn loo adkeeyey amaanka hareeraha garoonka iyo wadooyinka soo gala.

Wefdiga Ra’iisulwasaaraha waxaa kamid ah Wasiirada Waxbarashada,Caafimaadka iyo Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ee kasoo jeeda degaanada Puntland qaarkood,waxaana soo dhoweyntooda kadib loo galbiyey xarunta madaxtooyada Puntland ee Garoowe.

 

Intaas kadib waxay booqdeen wefdiga Ra’iisulwasaaraha Wasaaraddaha Waxbarashada,Haweenka,Caafimaadka iyo Qorsheynta & Xirrirka Caalamiga,waxaana kusoo dhoweeyey dhamaan Wasaaraddahaas Wasiirada iyo howlwadeenada.wuxuuna Ra’iisulwasaare Dr.Cabdiweli ka dhageystay Wasaaradahaas waxqabadkooda iyo sida ay u howlgalaan.

 

Sidoo kale intuu ku jirey booqashadiisa wuxuu aadey Jaamacadaha PSU iyo Bariga Afrika ee ka dhisan magaalada,wuxuuna la kulmay masuuliyinta Jaamacadahaas oo uga warbixiyey kulliyadaha laga barto.

Raysal wasaare abduwali ayaa soo dhaweeyay waxqabadka goobaha uu booqday waxa uuna sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay horumarkay ay gaareen bulshaweynta reer Puntland iyo madaxda maamulkooda

waxa uu kaloo iyana raysal wasaaraha uu booqday xeryaha ay ka daganyihiin barkacayaasha magaalada Garoowe isagoo halkaasna kula hadlay kana waraystay xaalada ay ku suganyihiin ee nololeed iyo mid caafimaad .

waa markii ugu horeysay uu raysal wasaare soomaaliyeed booqdo xaruma intaa le`eg intii ay ay ka burburtay dawkadii dhexe ee Somaaliya.

 

Amaal Abdillahi

Ministry Of Education Puntland Somalia

Scroll to Top