Booqasho Tariikhi Ah Uu Wasiirka Waxbarashada Puntland Mr Abdi Farah Said Uu Ku Tagay Jaamacada Charles University Prague

Wasiirka Waxbarashada Puntlad Abdi Farah Said ayaa dhawaan booqday jaamcada Charles University Prague, jaamcadan ayaa ahayd jaamacadii uu ka qalanjibyay wasiirka aqoontiisa heerka jaamacadeena uu kusoo qaatay,booqashada wasiirka ee jaamcada ayaa waxa ku wehelinayay qoraa soomaaliyeed oo isla waqtigaa wasiirka ay jaamacada kawada bexeen oo la yiraahdo Mohamed Baashe oo isaga ku nool haatan cariga ingiriiska.

 

 

Dhismaha Jaamacada Charles University Oo Ay Dhexmarayaan Wasiirka Iyo Qoraaga

Booqashadan ayaa ahayd mid taariikhi ah ayagoo ay ugu danabysay muda 20sanaah dhismahan jaamcada manta ay dhexjoogaan,saamayn wayna ay naftooda manta ku yeelatay ayagoo dareemayay farxad aad u wayn maadaama ay joogaan jaamcadii ay ka qalanjabiyeen maaanta oo muda fof ugu danbaysay.

 

Prof Saradii Jaamcada Charles University Ahaana Barayaashii Wasirka Iyo Qoraaga Oo Jaamcada Ku Kulmay.

Intii ay ku guda jireen booqashada ayaa waxay la kulmeen iyana barayaashii jaamcada ee mudada iyaga u ahaa, ilaa hadana ka ah barayaal wali jaamcada charles, PhDr. Barbara Koppplova, CSc, Center of Media Studies, Charles University,ayaa ka mid ahayd barayaashii ay la kulmeen wasiirka iyo qoraaga waqti dheerna ay ugu danabysay waxayna aad ugu faraxsanayeen in ay wali joogaan jaamcada barayashoodii waqtigii ay joogeen wax soo baray iyaga.

 

Gabagabadii Booqashada Charles University

Wasiirka iyo qoraaga  booqashadooda inta keliya kuma ekayne waxay dhamaan booqdeen dhismaha jaamcada, ilaa kushiinkii ay cunada ku cuni jireen waqtigii ay jaamcada ku jireen waxayna hadba jaleecayaan dhismayaasha kala duwan ee jaamcada lagu kordhiyay mudadii ay mooganaayen.

Gabagabdiina waxay si guud usoo dhamaystireen booqashoodoodii oo ahyd mid xusuux mudan taariikhina ah dareenkoodana aad usoo jiidatay, waxyna mahadcelin ujeediyeen dhaman barayaasha jaamcada,muumlka jaamcada,arada,ugu danbayna waxay si gaara ugu mahad celiyeen barayaashoodii oo waqti xaadirjkan ku sugan jaamcada.

 

 

Amaal Abdullahi Ali

Media Unit
Ministry Of Education, Puntland
Tel: 744379
Email:amaal.abdulahi@gmail.com