Booqasho khibrad wadaag Waxbarasho oo dhexmaray Wasaaradda Waxbarashada Puntland iyo Jubaland.

13/April-2016- Waxaa maalmahanba booqasho ku joogay Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ,wafti ka socda wasaaradda waxbarashada dowlada soomaliya iyo wasaaaradda waxbarasahada dowlad goboleedka jubaland.

Mas’uuliyiin ka socday waxbarashada jabaland  oo maalmahan ku sugnaa Wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta sare ayaa ujeedadedu ahayd inay khibrad iyo aqoon ka qaatan Waxbarashada Puntland say u shaqayso Wasaaradda Waxbarashada  Puntland, gaar ahaan xafiiska Imtixamaadka iyo Waaxadda Tayenta iyo Tayo-dhowrka iyo Manahijta Waxbarashada.

Wafdigaan Waxbarashada Dowlada Federalka iyo Jubaland  oo kamid ah kulama isdaba socda oo uu Wasirkii hore ee Waxbarashada Puntland Cabdi Faarax siciid (Juxa ) soo xiriiyey. isagoo dhinaca Waxbarashada Dowlada Federalka kala shaqeeyo Maamul Goboleedyadda.

Shaqaalaha ka socday Wasaaradaha Jubaland iyo Dowlada dhaxe  ayuu kulamo la  qaatay Dhamaan agaasimayasaha waaxyaha  waxbarashada Puntland  iyadoo  kulanaka ujeedadiisu ahayd  sidii la iskaga kaashan lahaa xiriirka waxbarasho ee ka dhaxeeya Maamul Goboleedada Soomalia iyo sidii khibrad dheerada uga heli la hayeen waxbarashada Puntland.

Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda Waxbarashada Puntland  ayaa ugu horeyntii u soo gudbiyey   dhambaal hambalyo  shaqalaha ka socda Maamul Goboleedyada Waxbarashada waxa uuna sheegay in Wasaaradda Waxbarashada dowlada Puntland  diyaar u tahay siidii loo xoojinlaha xiriirka Waxbarasho Maamul Goboleed yadda Ka dhaxeeya.

Wafdigaan waxayn ka koobnaayeen agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada jubaland iyo saraakiil kale ,  waxayna socdaal qiimayn ku tageen Jaamacada Kuliyadda Tababarka  Maclimiinta ee (GTEC) iyo Dugsiga sare faca wayn ee Gambool.

Socdaalkooda waxaa ku wehlinayay agaasimaha  Waaxdda Tayenta waxbarashada Abdulqadir Yuusuf Nuux  iyo agaasimaha imtixaamaadka Puntland Axmed Maxamuud Warsame (Saahid) iyo Gudoomiyaha Waxbarashada Gobolka Nugaal Xaashi xuseen Faarax, kuwaas oo wafdigaan kusoo wareejiyay dhammaan qeybaha waxbarashada jaamacaddaaha iyagoo la kulansiiyay maamulayaasha iyo macalimiinta jaamacaddaha iyo sidoo kale ardayda.

Dhinaca kale wasaaradda waxbarashada Puntland ayaa wafdigaan muddo labo maalin ah u qabatay saminaar lagu barayay nidaamka waxbarasho Puntland sida habka loo qaado imtixaanaadka guud,  macluumaad kale oo muhiim ah oo hoos yimaada heerarka waxbarashada Puntland.

Ugu danabyntii Wafdigaan waxbarasho ayaa sheegay inay u riyaaqeen nidaamka waxbarasho ee ka jira Puntland, iyagoo tilmaamay inay qibrad weyn ka qaateen intii ay ku suganyihiin Puntland. Sidoo kale waxay sheegeen inay hadda kadib  iskaashi waxbarashada la samayndooonaan wasaaradda Waxbarashada Puntland.

Hoos ka Daawo sawiradda.

IMG_0587 IMG_0584IMG_0590 IMG_0597IMG_0602 IMG_0580

IMG_0620 IMG_0614 IMG_0615IMG_0657 IMG_0654 IMG_0573

IMG_0691 IMG_0602 IMG_0591

IMG_0677 IMG_0690IMG_0584 IMG_0657

By:Deeq Maxamed Warsame.

Xooghaynta Wasaaradda Waxbrashada iyo Tacliinta Sare.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Scroll to Top