Booqashadii xafiiska maamulka imtixaamaadka ee Dowlada Puntland oo la kulmay Maamulka imtixaanadka Dalka Suudaan

15-January/ 2017-  Wafdiga Wasaarada Waxbarashada iyo tacliinta sare Puntland oo hogaaminayo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowlada Puntland Dr Maxamed Cali Faarax ayna Waheliyaan Agaasimaha Waxaada Imtixanaadka Axmed Maxamud Warsame (Axmed Saahid) iyo Saraakiisha Xafiiska Imtixamadka Dowlada Puntlandla waxay la kulmeen Gud. Imtixaamaadka Dalka Suudaan Dr. Mukhtar Maxamed, Waxaa laga wada hadlay.
1. Sidii shaqaalaha xafiiska imtixaamaadka Puntland lagu tababari lahaa xirfada iyo aqoonta loogu baahanyahay maamulka imtixaamaanka.
 
2. In ay kormeero qiimayneed ay ku yimaadaan xafiiska imtixaanaadka Puntland iyagoo u kuurgalaya tayada iyo habsami usocodka hawlaha imtixaanka Puntland.
 
3.In labada xafiis ay kawadashaqeeyaan sidii shahaadada Soomaaliya loogaarsiinlahaa Shahaadada Suudaan taas oo meesha ka saaraysa dhibcihii Wasaaradda tacliinta ee Suudaan ay ka goosan jireen Shahaadada Soomaaliya.
 
4. Ugu danbayn booqashadani waxay albaabka u furaysaa in labada xafiis la mataaneeyo.
Wax badan ayaanu ka faaiididoona qaabka imtixaanka suudaan u shaqeeyo ama loo maamulo.
 
Maamulka imtixaanka Suudaan wuxuu toos u hoos yimaadaa Madaxweynaha Dalka Suudaan Mudane Cumar Xasan Al-bashir
 
Waxaan ugu mahadcelinaynaa sida wanaagsaneed ay u soo ay soo dhaweeyeen Maamulka imtixaanka Suudaan.
                                              Hoos ka Daawo Sawirada
12 14 15 16 17 3 8 9 12 9 81640 5 4

By:Deeq Maxamed Warsame.

Xooghaynta Wasaaradda Waxbrashada iyo Tacliinta Sare

Scroll to Top