Ardayda dugsiyada waxbarasho ee Puntland oo sabtida u fariisanaya imtixaanka guud

Wasaaradaha waxbasrahada ee dowladda Puntland ayaa maanta iclaamisay maalinta Sabtida ah ee taariiqdu ku beegantahay 25-ka bishaan inay deegaanada Puntland ay ka bilaabanayaan imtixaanka guud ee kama dambaysta fasalaada sideedaad ee dugsiga dhexe ilaa iyo dugsiga sare (Form Four).

 

Gudoomiyaha xafiiska imtixaanaadka ee wasaaradda waxbarshada Puntland ayaa maanta shirsaxaafadeed uu ku qabtay magaalada Garowe waxaa uu ku sheegay maanta inay direen 70- kormeerreyaal ah  oo watta boorsooyinkii iyo imtixaanaadkii dugsiga sare, ,130 shaqaalle oo wasaaradda waxbarshada Puntland katirsan , 15 kalkaaliye oo caawinaya kormeerayaasha.

8500-oo arday oo isugu jirta dugsiyada sare ilaa dhexe ayaa ka qaybgalaya imtixaanka, sida uu sheegay Axmed Saahid.

Wasaaradda ayaa sidoo kalle kiraystay oo dirtay 50- gaari oo ka kooban  gaadiidka waawayn iyo kuwa yaryar oo ay saaranyihiin imtixaanaadkii dugsiyada waxaana ay ukala ambabaxeen ilaa sideed gobol oo Puntland ka mid ah sida Bari, Nugaaal, Karkaar, Sanaag,Sool,  Haylaan, Mudug iyo Cayn.

Gudoomiyaha ayaa ka codsaday dadwaynaha sida waalidiinta ardayda iyo booliska inay wasaaradda waxbarshada kala shaqeeyaan arimaha amaanka inta ay wadaan kormeerka ay ugu guurgalayaa imtixaanaadka waxaana sidoo kale uu sheegay in la adkeeyay amaanka imtixaanka sida inaan laga helin suuqyada Puntland.

Wasaaradda waxbarshada Puntland ayaa horay u midaysay imtixaanaadka iyo manaahijta waxbarasho ee deegaanada Puntland, arintani ayaa dadka qaarkood ay aaminsanyihiin inay tahay guull loo qaaday dhinaca horumarinta waxbarshada Puntland.

Scroll to Top