Arday Uu Usoo Xirmay Semester Kii Koowaad Ee Maamulida Waxbarasho

Arday gaaraysa 42 ayaa maanta waxaa u soo xirmay Simistarkii 1-aad ee Maamulidda Waxbarashada (Post Graduate Diploma in Education Management) waxaana Waxbarashadan bixiyay Jaamacadda  Islamic University in Uganda (IUIU), waxaana martigalisay Jaamacadda Bariga Africa Garoowe, waxaana dhaqaalaha bixiyay European Union (EU), waxaana fududeeyay hay’adda African Educational Trust (AET) iyo Wasaaradda Waxbarashadda Puntland wuxuuna soconayay 25-07-2011-04-08-2011.

 

 

 

 

 

 

 

Kwasi Ahmed oo ah  IUIU Deputy Dean of Faculty of Education ayaa waxa uu sheegay in isaga iyo saaxibadiis shaqada ay halkan u joogin arin iyaka u gaar ah balse ay doonayaan in waxbaraan dadka walaalahooda oo Muslimka ah islamarkaasna Jaamacadda IUIU ay ballaarinayaan si ay Ummadda Muslimiinta uga faa’iidaystaan, wuxuu sheegay in IUIU ay tahay Jaamacadd shuruucdeedu ay adag tahay hadda wixii ka dambeeyana ay waxbarashu ahaan doonto midda loo yaqaan in uu isagu qofku wax isbaro (Self Study) oo aan wax macalin ah idin caawinayn sidaasdarteed waxa uu sheegay in loo baahan yahay dadaal badan, waa ay dhici kartaa kuwo idinka mid ah in ay ka haraan waxbarashada mana doonayo in aan  i niyad-jabiyo laakiin waxaan idiin sheegin in loo baahan yahay dadaal dheeraad ah ayuu yiri.

 

 

 

 

 

 

Axmed Saciid Aw-nuur Wasiirkii hore ee Waxbarashadda Puntland ahna Guddoomiyaha Guddiga Jaamacadda Bariga Africa kana mid ah Ardaydan isaga oo ku hadlaya magaca Ardayda ayaa aad iyo aad ugu mahadnaqay dhammaan hay’adaha ku lugta leh Waxbarashadan wuxuuna si gaar ah u ammaanay macalimiinta oo uu sheegay in ay ahaayeen kuwo aad iyo aad u wanaagsan.

 

 

 

 

 

 

 

 

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashadda Puntland Cabdiqaadir Yusuf Nuux ayaa isna la mid ah u mahadnaqay macalimiinta iyo dhammaan dadka maalgashay ama martigaliyay, wuxuuna ammaana si gaar ah u ammaanay  Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada Puntland Axmed Saciid Aw-nuur oo uu sheegay in uu lahaa asaaska nidaamka ay Wasaaradda Waxbarashadu ku shaqayso.

 

 

 

 

 

Jaamacadda Bariga Africa ee waxbarashadan iyadu fududaysay ayaa ah Jaamacaddii ugu horaysay ee Puntland laga hirgasho waxaana mudadii ay jirtay ka qalin jabiyay Arday aad u badan kuwaas oo hadda intooda badan hormuud ka ah Siyaasadda dalka, Waxbarashada iyo Ganacsiga Puntland.

 

Amaal Abdilahi

Minstery Of Education Puntland Somalia

Scroll to Top