Aqoon is- Waydaarsi La Xiriira kor u Qaadista Tacliinta Sare ee Puntalnd oo ka Furmay Gorowe

Siminaar la xariira ogaanshaha baahiyaha ka jira jaamacaddaha Puntland iyo kor u qaadista tacliinta sare ayaa  waxa uu ka furmay hoolka shirarka Hotelka Newrays ee magalada Garowe.

Waxaa kasoo qayb galay Wasiir ku xigeenka Wasararadda Waxbarashada Dr.Maxamed Cali Faarax,Agaasimaha tacliinta sare ee wasarada mudane Cabdilaahi Cali Jaamac ( DHUBAD),masuuliyiin ka socda Jaamaddaha Puntland &labo khubaro oo ka socda Jaamacadda VU (University Amsterdam).

Agaasimaha tacliinta sare ee Wasarada Waxbarashada Puntland Cabdilaahi Cali Jaamac ayaa sheegay aqoon is-waydaarsigan inuu socon doono mudo saddex cisho ah isla markasna ay muhiim tahay sidii loo heli lahaa tacliin sare oo tayaysan.

Wasiir ku xigeenka Wasaradda Waxbarashada Dr.Maxamed Cali Faarax oo furay siminaarka ayaa sheegay inta uu socda in looga hadli doono qodobo ay ka mid yihiin qiimaynta baahiyaha ka jira jaamacadaha Puntland,suuqyadda baahida aqooneed ee ka jira iyo wada socodka jaamacadaha & iyo waliba qaabkii loo qiimayn lahaa tayadda Jaamacadaha si loo gaaro guul iyo wada shaqayn hufan.

Dr.Maxamed Cali ayaa sheegay inuu aad ugu rajo wayn yahay siminaarkaan inuu dhamaadkiisa kasoo baxo qorshe balaaran oo lagu gaari karo sidii loo samayn lahaa guddiga sare ee tacliinta ,guddigaasi oo la socda waxyaabaha ka qaldan waxbarashada sare iyo waliba sixitaankeeda.

Khuburo  ka socota Jaamacadda VU oo ku taala dalka Holand ayaa mudada uu socda aqoon darsigaan waxay bixinayaan casharo kala duwan oo ku saabsan hormarinta Jaamacadaha Puntland ayna muhiim tahay sidii arrintaasi gunta dhiisha la isaga dhigi lahaa.

Masuuliyiinta Jaamacadda ka socda ayaa dhankooda sheegay inay aad ugu hanwayn yihiin sidii loo hormari lahaa xili kasta waxbarashada sare si loo helo dad aqoontoodu wanaagsan tahay.

Hay’adda CARE ayaa soo qaban qaabisay aqoon is-waydaarsigaan iyo Wasaaradda Waxbarashada Puntland iyadoo laga  kala yimi jaamacadaha kala duwan ee puntalnd,waxana lagu rajo wayn yahay gunaanudkiisa inay kasoo baxaan qodobo lagu isku raacsan yahay oo gun dhig u noqda tacliinta sare.

DAAWO SAWIRADII SHIRKA LOOGA HADLAY.

Deeq Maxamed Warsame

Wasaaradda Waxbarashadda Puntland

Contact Number+25257743400

Scroll to Top