Agaasimha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowlada Puntland oo la kulmay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Dalka Ethiopia.

9/21/2017- Agaasimaha guud ee Wasaarada Waxbarashada iyo Taclinta sare ee Dawlada Puntland  Maxamed C/qaadir Cismaan oo la kulmay agaasimaha guud ee Wasaarada Waxbarasahda Dawlada federalka ee Ethiopia Dr. Zehihun Kebede.

Labada masuul ayaa ka wada hadlay arimaha la xiriira horumarinta waxbarashada iyo sidii dawlada federalka ee thiopia usii laba jibaari lahayd taagerada waxbarasho ay siiso dawlada Puntland.

  1. In la wada galo heshiis rasmi ah la oo la xiriira deeqo waxbarasho heerar kala duwan oo sanadle ah.
  2. In ardaydii deeqda waxbarasho ka heshay dalka Ethiopia loo soo dedejiyo qubuulka iyo visaha dalku galka.
  3. In la xoojiyo xiriirka ka dhexeeya jaamacadaha Puntland iyo jaamacadaha Dalka Ethiopia gaar ahaan jaamacada Civil Service University.
  4. waxay ka wada hadleen labada Masuul in kor loo qaado Waxbarashada farsamada gacanta ee Puntland.

Sidoo kale Agaasimaha Guud  wuxuu u kuur galay xaalada Ardayda Puntland ee Soomaaliyeed ee waxkabarata Jaamacadaha, Iyagoona ku balamay in Waxbarashada iyo Deeqaha la siiyey dayicin kana Faa’iidaystaan Waqtigooda.

Punt. DG and Ethiopia DG

By Deeq Hurevov Madaxa isku xirka Wasaaradda Waxbarshada iyo Tacliinta sare.

 

 

Scroll to Top