Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda Wasaaradda Waxbarashada iyo Taclinta sare oo ka hadlay Ahmiyada ay u leedahay Bulshadda Wadada Ceel- Daahir.

09/agosto/2017- Agaasimaha Waxaada Maamulka iyo Maaliyada, Faarax Mixile Jaamac ayaa aad ula hadlay Gudoomiyeyaasha Waxbarshada Gobolada, Degmooyinka iyo Maamulayashooda Dugsiyada Markii Munasabad wayn Wasaaraddu ugu qabatay xarunta Garoowe.

Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda Wasaaradda Waxbarashada iyo Taclinta sare ayaa sheegay in wadada Ceel daahir Samaynteedu ujeedadeedu Tahay mid muhiina u ah Bulshada Reer Puntland ayna tahay in   laga wada qayb qaato Qaaranka kharajka samaynta dhismaha  wadada Ceeldaahir-Ceer gaabo.

Waxaa kale oo agaasimaha Waaxdu sheegay in samaynta wadadani ay difaac u tahay dalka iyo deegaanka, xiriirka, ganacsiga isdhexgalka bulshada, sahlida isu socdka iyo faaiidooyin kale oo badan.

Dhinaca kale Waxaad  ogsoon tihiin in  dalka iyo Deegaanadaas lagu soo Durkayo  qof kastana waa in uu ogaadaa in  waajib ka saran yahay  taageerda wadada,  waxa aad ku bixisaana waa wax idin anfacaya aduun iyo Aakhiriba.

Waxaana ku talinayaa in wadada Ceel daahir la gaarsiiyo ceer-gaabo halkaas oo aan rajaynayo in dadka iyo deegaankaasi ku diirsan doonaan.

Waxaan kale oo aan ku talinayaa in Samaynta Wadooyinka xooga la saaro degaanada Galbeedka lagana fakaro waqtiga dheer iyo isku xidhnaanka.

IMG_0647 IMG_0652 IMG_0676

 

 

Scroll to Top