Agaasimaha Guud Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare oo u soo xiray Tababar 50 Macalin oo Waxbarashada Dadban.

11/08/2016- Wasaaradda waxbarashada ee dowladda Puntland ayaa  u soo xirtay 50 macalimiin -ka howl gala  xarumaha waxbarashada Dadban ee hoos yimaada wasaaradda waxbarashada iyo Tacliin sare ee  Puntland.

Macalimiintaan oo ka socday dhamaan gobolada Puntland ayaa muddo Afar Bari ah  wuxuu tababar uga socday magaalada Garowe, iyagoona qaadanayay aqoon korarsi sida Macalinku ugu gudbin lahaa Casharada Waxbarashada Dadka Waawayn.

Ujeedadda Tababarka Ayaa ahaa Qodobadan Soo socda.

  1. Guud ahaan Waxbarashada Dadban iyo muhiimadeeda.
  2. Istaraatiijiyada cusub ee wax barashada Dadban.
  3. Qaabka isticmaalka manahjka cusub ee heerka 1 aad iyo labaad.
  4. Isticmaalka buugaagta nfe-da fasalka gudihiisa.
  5. Xirfadaha iyo wax barista dadka waawayn.
  6. Habka barista iyo barshada dadka waayn ee fasalka.
  7. Maamulka fasalka iyo qorshaha casharka.
  8. Ilaalinta qalabka xarumaha

 

Safiyo Sugulle Maxamed oo ah madaxa waxbarashada Dadban ee Puntland oo ka hadashay xiritaanka barnaamijkaan ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay culayska ay wasaaraddu saartay tababarkaan oo ay ku sheegay inaanan la qaban 7-dii sano ee ugu dambeysay tababar caynkaano oo kale ah oo la galiyo waqti intaas le’eg.

Waxay sheegtay waxbarashada Dadban inay ka faa’ido badan tahay waxbarashada tooska ah ,iyadoo sababta ku sheegtay in waxbarashada Dadan waqti gaaban looga faa’idaysan karo.

“Xilliga maanta ah marka la fiiriyo daruufaha nagu xeeran dadkeena waxaa anfacaya waxbarashada Dadban gaar ahaan farsamada gacanta si aan qoysaskeena ugu biilano oo aanan cid kale wax uga sugin,” ayay tiri Faadumo Sugulle.

Tababaekan Ayaa Wada Waday Waxaadda Tababarka iyo Mashaariicda iyo Waxaadda Waxbarashada Dadban.

Agaasimaha Waxaadda Mashaaricdda iyo Tababaradda  ayaa isna taageeray in waxbarashada Dabdan ay  faa’ido badan bulshada uleedahay.

 

Agaasimaha Waxaadda Mashaariicda  iyo Tababaradda  ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Abdulaahi  Axmed Maxamud ayaa balanqaaday inay kor uqaadi doonaan aqoonta barayaasha waxbarashada Dadban, iyadoo uu sheegay hadba inay eegidoonaan maadooyinka muhiimka ah ee lagu liito si kor loogu qaado . Taa badalkeena wuxuu ka cosaday xarumaha waxbarashada Dadban inaysan noqon kuwo magac uyaal ah.

Tababarkaan ayaa qeyb wuxuu ka yahay mashruuca waxbarashada waa Iftiin oo ah mashruucaan balaaran oo uu Midowga Yurub ugu deeqay Puntland islamarkaana ay fulinayso hay’adda  ADRA

Agaasimaha Guud ee  wasaaradda waxbarashada Puntland Maxamed Abdulqaadir Cismaan  ayaa usoo gabagabeeyay tababarkooda wuxuuna  muujinaya aqoonta dersiga ay qaateen ayaa guul ku timaamay sidii mashruucii hore ay Puntland uga faa,iidaysteen isagaana ka waramay Mashriicdda Cusub ee Waxbarashada Dadka Waawayn sifiican looga hir galin doono dhamaan Xarumaha Gobolada puntland.

Daawo sawirada.

DSC00235 DSC00225 DSC00226 DSC00240 IMG_3742 - Copy IMG_3754 IMG_3755 IMG_3757 IMG_3758 IMG_3764 IMG_3770 IMG_3772 IMG_3774 IMG_3776 IMG_3756 IMG_3760

 

DSC00234 DSC00224 DSC00223 DSC00221 DSC00216 DSC00240 DSC00230 DSC00243 DSC00240 DSC00226 DSC00225 DSC00235

IMG_3739 IMG_3760 IMG_3756 IMG_3776 IMG_3772 IMG_3770 IMG_3764 IMG_3758 IMG_3757 IMG_3755

Scroll to Top