14/April/ 2017- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland Maxamed Cabdiqaadir Cismaan  oo kormeeraya xaaladda guud ee waxbarashada Gobolka Mudug Gaar ahaan Magalada Galkacayo, ayaa kormeer lama filaana ku tagay qaar ka mid ah iskuulada Magaaladd Gaalkacyo. Sida Isuulada kala ah Dugsiga sare ee faca wayn ee Cumar Samatar, Yamayska,, iyo Dugsiga Hoose dhaxe ee Saalaamo iyo Kuwa kale oo Badan

Agaasimaha oo weheliyaan Gudoonka waxbarashada Gobolka Mudug bashiir Axmed  khalaf  iyo  Gudoomiyaha Waxbarashada Degmada Garwayne iyo  kormeerayaasha Waxbaarshada Gobolka  iyo  dagmada Gaalkacyo, ayaa waxaa ay la hadleen qaar ka mid ah ardaydii Iskuuladaas, kuwaas oo fursad loo siiyey in ay su’aalo waydiiyaan Agaasimaha, waxaana ay waydiiyeen su’aalo kala duwan oo ay ka mid ahaayeen, in wasaaraddu Qorsheyaal gaar ah u samaysay Magaaladda Gaalkacyo oo ay ka dhaceen dagaalo soo noq noqday oo saamaysay Waxbarshada Degmada Galkacayo.

Agaasimaha ayaa waxaa uu ardayda Dugsiyada sare kula dardaarmay, in ay ahmiyad siiyaan waxbarashada sare ee gudaha, maadaama haatan ay kor u kacday tayada waxbarashada sare ee Dalku, waxaase uu dhiiri galiyey in ay ardaydu dalka iyo Dibadda kii ay helayaanba ay kusii wattaan waxbarashadooda Dalka.

Agaasimaha Guud Maxamed Abdulqadir Cismaan ayaa la kulmay dhaamaan maamulayasha iskuulada Degmada Galkacayo isgaga iyo Gudooimiyaha Waxbarashada Gogobolka Bashiir Axmed khalaf.

Ujeedada Agaasimaha ayaa ahaa iskuulo nidaamka Waxbarashada Puntland aan waafaqsanayn in ee Magalada Galkacayo Xaladooda soo ogaado.

Sida iskuulka mideeye oo horay loogu aqoon jiray AL- Raxma iyo iskuuka Abdulaahi Yuusuf oo horay lagu aqoon jiray Shabeele, Iskuulada ayaa Wasaaradda Waxbarashada aan kala socon dhica siyaasadda Waxbarashada Puntlnad.

Iskuulka Al Raxma ayaa sharuudaha Waxbarshada buuxin isgoo agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarshada iyo Tacliinta sare  iyo Gudoonka Waxbarshada Gobolka bisha lixaad u qabteen in uu la yimaado siyaasad cad hadii kale sharciga lamarinayo.

Iskuulka Abdulahi Yuusuf ayaa rajo fiican muujiyey diyaarna u ahaa sharuucada Waxbarshada Puntland.

Dugsiga sare Abdirihiid Cali sharmaake ayaa ahaa dugsida sare oo dhawaan la asaasay waxaa ka muuqatay hormar fiican uu gaaray isagoo haysta Macalimiin khuboro ah Tayo fiicana leh,Balse meel ciriiri ah degnaa Mashaariicda Waxbarshada Puntland ahna Wali loo qorshayn iskuulkas oo la asaasay 2014kii.

Dhinaca kale Maalntii khamiista ayaa agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Maxamed Abdulqadir cismaan isga iyo Gudoonka Waxbarshada Mudug  la kulmeen Maamulayaasha iskuula  oo gaarayey 75 muumule oo iskujira Dugsiyada Hoose/dhexe iyo Dugsiyada sare  kulankaas oo ka dhacay Gudoonka Waxbarsahada Gobolka hoolkiisa shirarka.

Kulankaa ayaa saacaddo Badan Qaatay   Markii hore  ku bilowday  kulan Xasaasi ah   iyagoo qaybtod su’aalo muran badan dhaliyey waydiinayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarshada Maxamed Abdulqaadir Cismaan  iyo Gudoomiyaha Waxbarashada gobolka bashiir khalaf aad uga cabanayeen balse agaasimaha guud baa dajiyey Maamulayaasha  Waxbarashada iskuulada Degmada Galakcayo  iyagoo marklii danbe Qanciyey Agaasimaha Guud Maamulayashii  iskuulada.

Agaasimaha oo su’aalahaan ka jawaabaya, ayaa sheegay in ay wasaaraddu samaysay qorshayaal gooni u ah magaaladda Gaalkacyo, oo ay ka mid tahay mashaariicada Waxbarshada ka socota   iyo siyaasada Waxbarshada Gobolka Mudug.

Kulaan ayaa waxaa ku soo dhaamaday guul wayn taas oo bahda Waxbarshada Galkacayo uga mahad celisay agaasimaha kulanka ay la qaateen kuna faraxsanaa imaanshihiisa uu u yimi iyo waqtiga fiican uu u soo lumiyeyey agaasimahu.

Agaasima oo ah xubinta ugu muhiimsan ee shaqada Waxbarashada Wasaaradda wada.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarshada iyo Tacliinta sare ayaa kulamo gooni gooni ah la qaatay  shaqaalaha xafiiska waxbarashada gobolka Haday tahay Waxbarashada Dadban, iyo Waxbarshada Naafadda  oo ay kasoo qayb galeen dhamaan shaqaalaha  xafiisku islamarkaana ujeedadiisu ahayd dardaaran ku aadanku aadan  wada shaqaynta Gobolka waxbarshada sidii loo keeni lahaa loogana soo uruurin lahaa degmooyinka hoosyimaada  Gobolka xogta dhabta ah ee dhinacyada waxbarashada sida xogta ardayda, dugsiyada, macalimiinta Barnamijkaa oo loo yaqaan EMIS asbuucana ka bilaban doona  dhamaan Goblada.

Agaasimaha Guud  iyo Gudoonka Waxbarshada Gobolka ayaa kormeero kala duwan ku tagay jaamacadaha Magaalada Galkacayo Xarumaha Waxbarshada Farsamada Gacanta.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarshada iyo Tacliinta sare Abshir Yuusuf Aw ciise  iyo Agaasimaha Guud Maxamed Abdulqadir Cismaan  iyo  Gudoomiyaha Waxbarashada Gobolka Mudug Bashiir Axmed Khalaf  ayaa ag xariga kasoo jaray Kuleejka gabdhaha ee deegaanka Bursaalax, kaas oo dhawaan la dhamaystiray. ugu danbayntiina waxaa uu amaanay habka wanaagsan ee ay usocoto waxbarashada magaaladda Gaalkacyo, oo xaaladda adag oo Colaada iyo abaar ah saamyeen  Waxbarshada Gobolka balse abaarta ay kala simanyihiin Dalka oo dhan.

 Hoos Ka Daawo Sawiradda.

IMG_9298 IMG_9301 IMG_9302 IMG_8921 IMG_8929 IMG_8937 IMG_8946 IMG_8954 IMG_8960 IMG_8968 IMG_8975 IMG_8977 IMG_8998 IMG_9001 IMG_9007 IMG_9013 IMG_9014 IMG_9039 IMG_9041 IMG_9058 IMG_9206 IMG_9263 IMG_9265 IMG_9268

IMG_9464 IMG_9525 IMG_9526 IMG_9415DSC_0133DSC_0142DSC_0145DSC_0007DSC_0008DSC_0019DSC_0049DSC_0051DSC_0069DSC_0075DSC_0087DSC_0114DSC_0118DSC_0126DSC_0184DSC_0126DSC_0132DSC_0140DSC_0143DSC_0150DSC_0157DSC_0158DSC_0179DSC_0182IMG_9525DSC_0157

By:Deeq Maxamed Warsame.

Madaxa isku xirka Wasaaradda Waxbrashada iyo Tacliinta Sare.

Please follow and like us: