AGAASIMAHA GUUD EE WASAARADDA WAXBARASHADDA OO SHEEGAY IN SHAHAADADA PUNTLAND LAGA AQOONSAN YAHAY WADAMA KALE MARKA LAGA REEBO WADANKA SUUDAAN OO KALIYA

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashadda Puntland Mudane Maxamed Abdiwahab ayaa maanta shir jaraa’id uu qabtay waxa uu ku sheegay in shahaadadda Puntland la aqoonsan yahay. Agaasimuhu waxa uu beeniyay warar tibaaxaya in shahaadada aan la aqoonsanayn.

Waxaa kale oo agaasimuhu sheegay in meel kasta lagu aadi karo sidii sanadihii hore oo kale, aysana waxba iska badalin. Shahaadada Puntand ayaa horay waxaa loogu tagi jiray wadamada kala ah Russia, China, India, Malaysia, Turkey, Uganda, Yemen, Kenya, Jordan, Ethiopia iyo wadamo kale, hada sidoo kale weli lagu tagi karo.

Agaasimuhu waxa uu u sheegay ardayda iyo waalidiintaba in shahaadada ay shaqaynayso meel kasta oo ay la tagaan lagana aqbalayo hadii ay noqo wadama dariska ah iyo kuwa fog fogba.

Guud ahaan agaasimuhu waxa uu dhalinyarada/ardayda hada dhamaysay iskuulada sare aysan ka niyad jabin shahaadooda, iskuna diyaariyaan mustaqbal cusub.

DAAWO SAWIRADAAN

Deeq Maxamed Warsame

Head of Media Unit

Ministry of Education – Puntland

Cell:- +252 907 743400

Scroll to Top