Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare oo markii ugu horaysay si wada jira ula kulmay Gudoomiyaasha Waxbarashada Gobolada iyo Degmooyinka.

15/03/ 2018- Agaasiamaha Waxbarashada iyo Tacliinta sare Maxamed Cali Faarax (Farmaryeeri)  ayaa markii ugu horaysay si wada jira ula kulamay   Gudoomiyaasaha Waxbarashada iyo Degmooyinka Puntland intii xilka loo soo magacabay.

Shirkaa ayaa ujeedadiisu ahayd in laga wada hadalo xaladaha Waxbarashada Gobolada iyo degmooyinka sidii loo hormarin lahaa waxbrashada Gobolada iyo sidii loo dadajin lahaa siyasadaha waxbarashada Gobolda iyo Degmooyinka iyo sharciyeenta iskuulada, Tayeynta Waxbarashada.

Shirkaan oo saacaddo dheer socday ayaa waxaa ka soo qayb galay Agaasimaha waaxda Tayeynta iyo kormeerka, Agaasimaha Waaxda Waxbarashada Tooska ah iyo dhamaan Gudoomiyaasha Waxbarashada Gobolda iyo Degmooyinka.

Agaasimaha waaxda Tayeynya iyo kormeerka C/qaadir Yuusuf Nuux ayaa aad ula hadalay isagoo gudoomiyaasha ka codsaday ina xoojiyaan Waxbarashada Gobolada iyo degmooyinka si loo helo hanaan Waxbarasho oo Tayo leh,

C/qaadir Yuusuf Nuux ayaa u sheegay in Gudoomiyaasaha Waxbarashada iyo Degmooyinka inay laf dhabar u yihiin Waxbarashada isagoo ku yiri waxaa haysaan shaqo culus oo ajarkeeda la soo koobi karin.

Agaasimaha Waaxada Tayenta iyo Kormeerka ayaa kala hadalay Gudoomiyaasha Waxbarshada Gobolada Qodobadan soo socda.

 

  • Dhammaan dugsiyada hadda shaqeeya waa in ay iska diiwaan galiyaan Wasaaradda Waxbarashada oo la soo dhamaystiro sharciyeeyntoodii.

 

  • Sidoo kale waa inay dhammaan macallimiinta ajnabiga ah iska diiwaan galiyaan Wasaaaaradda Waxbarshada.

 

  • Dugsi hoose,mid dhexe iyo mid sare toonna lama furi karo illaaa ogolaansho laga helo Wasaaradda.

 

 

  • Lama aqoonsan doono dugsi aan ku dhaqmin manaahijta iyo awaamiirta wasaaradda.

 

  • Ogolaansho iyo diiwaan galin waxaa la siin doonaa dugsigii buuxiya shuruudaha is- diiwaan-galinta.

 

 

  • Mas’uuliyiintu waa in ay xaqiijiiyaan in dhammaan dugsiyadu soo gudbiyaan natiijada imtixaankii sanad-dugsiyeeedka 2017-2018 sidii, horey loogu wargeliyey.

 

  • Ardaygii aan silsiladda ama jaraanjarada Waxbarashada aan raacin ama soo booday ma fariisan doono imtixaaanka shahaadiga ah.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Maxamed Cali Faarax (Farmaryeeri) oo shirka xiritaankiisa lahaa ayaa kala hadlay inay Gudoomiyaasho adkeyaan Waxbarshada Gobolada iyo degmooyinka isagoo raaciyey in Imtixaankii Dowlada Puntland dhaqalihiisa soo yaradeen kana  qayb qaatan Waaridiinta iyo iskuulada sidii loo helilaha wacyigalin  ku aadan imtixaanka qaybtooda ugu aadan.

Agaasimaha Guud ayaa sheegay inay iskuulada sharci daradda ah oo aan ku haboonayn goobo Waxbarasho shaqo gooniya laga qaban doono.

Agaaasimaha Guud  ayaa waxaa uu aad ixtiraamay Gudoomiyaasha Waxbaarshada Gobolada iyo degmooyinka shaqada adag ay hayaan iyo daruufaha jira isagoo ku amaanay shaqo adkaysi iyo dlqaadba in dhabarka u riteen balse laga baxayo.

 

Hoos Ka Daawo Sawiradda.

IMG_4597 IMG_4567 IMG_4568 IMG_4569 IMG_4570 IMG_4571 IMG_4573 IMG_4574 IMG_4576 IMG_4577 IMG_4578 IMG_4579 IMG_4580 IMG_4581 IMG_4582 IMG_4586 IMG_4587 IMG_4588 IMG_4589 IMG_4590 IMG_4591 IMG_4593 IMG_4594 IMG_4595 IMG_4596

By: Deeq Hurevov.

Madaxa isku-xirka WW&TS

 

 

 

 

 

 

Scroll to Top