20/ March/ 2018- Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowlada Puntland waxay iskuulka dhagoolayaasha ku wareejisay gaari noocsu yahay  Bus Nissan  Haice( KHZ106-00138449).

Markii Aragtay Wasaaradda Baahida Dugsiga dhagoolayaasha ay u baahan yihiin Gaadhi u adeega aradayda Dugsiga Dhagoolayaasha madama ay baahi wayn u qaban gadhi lagu qado caruurta yare ee Wax kabarata  Dugsiga dhagoolayaasha.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliin ta sare  Maxamed Cali Faarax (Farmayeeri) isagoo ku wareejiyey  Buska iskuulka dhagoolayaasha Garowe:   waxuu ku baaqay dhamaan masuuliyiinta dawlada Puntaland  iyo, shacabka, ganacsatada, haayadaha iyo ururada bulshada iyo sidoo kale qurbojoogta Puntalnd kuwo maqalka qaba iyo kuwa maqalka ka naafada ahba meel kasta oo ay joogaan gudo iyo dibedba inay isgarab taagaaan ubadkaas yar yar ee manta u baahan garabqabashada uga baahan yihiin Waxbarshada Gaarka ah.
Qurbojoogata maqalka ka naafada ah waxaan iyagana si gaar ah ugu boorinayaa inay kaalin mugle ka qaataan u gargaarida iyo kaalmaynta ubadka yaryar ee aan wax maqal isla markaana ay xil iska saaraan sida ay ubadkooda daryeelkiisa xilka iskaga saaraan.

Agaasimaha Hay’adda Daryeelka Dhagoolayaasha Sakairiye Siciid Yuusuf ayaa uga Mahad celiyey Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Buska ay ku wareejiyeen iskuulka dhagoolayaasha waxaa u qabanaya baahi ugaara dhagoolayaasha meelo badan, balase waxaa u bahanahay in garab mar walba nalasiiyo angoo baahi gaara qabna, ardayda wax ka baranaaya dugsiga dhagoolayaasha ee Magalada Garowe  waxa ay iskaga yimaadeen xaafado aad uga fog fog iskuulka.

Hoos ka Daawo Sawirdda

IMG_4723 IMG_4707 IMG_4708 IMG_4709 IMG_4710 IMG_4711 IMG_4712 IMG_4713 IMG_4714 IMG_4715 IMG_4716 IMG_4717 IMG_4718 IMG_4719 IMG_4720 IMG_4721 IMG_4722

By: Deeq Hurevov.
Madaxa isku-xirka WW&TS

Please follow and like us: