Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ayaa kulan wacyi galin ah la qaatay Dugsiga hoose dhexe ee Darwiish ee Gobolka Nugaal

Agaasimuhu wuxuu ardayda kala hadlay inay ilaaliyaan dalkooda ka shaqeeya nabadgalyada, hormarita Degaanaka iyo ilaalinta nadaafada magaalada.

Hadaba, wacyigalintan ayaa waxaa kasooqayb galay islamarkaana furitaankiisii daabuurka kala hadlay ardayda Dugsiga Hoose iyo dhexe ee Darwiish Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare mudane Maxamed Cali Faarax Farmayeeri . Wuxuuna sheegay in wacyigalintan tahay mid hogaaminta waxbarashada ee degmooyinka kor loogu qaadayo garaadkooda siyaasadeed islamarkaana lagu kalaqaadanayo awaamiiro iyo talooyin wax ku ool ah oo ardayda Puntland u tahay mid dhulkooda aysan wax dhiba u gaysan.

Wuxuuna xusay in waxbarashadu ay tahay tiirka ugu muhiimsan ee horumarka deegaankeena islamarkaana aan kula jaanqaadikaro wadamada dhaqaalhoodu dhexdhexaadka yahay. Sidaasi darteed, Agaasima ayaa carabka ku adkeeyay in dhamaan bahda waxbarashada deegaanka Puntland iyo xafiisyada bahwadaagta ahba looga baahan yahay in ay door muhiim ah ka ciyaaraan hirgalinta siyaasadaha ee waxbarashada dalka.
Agaasimaha Guud ayaa Guud ahaan ka hadlay waxii shalay ka dhacay aysan arday ka qayb ka noqonin madaama ay ardaydu tahay dadka mustaqbalka hogaaminta loo diyaarinayo berito.

Aqoontu waxay dhistaa guri aan tiir
lahayn jaahilnimada ama aqoondaridu
waxay bur-burisaa guri sharaf iyo
barwaaqo ay ku nool yihiin dadkiisa.
Ugu danbeentii aqoontu waa iftiin ama
nuur jahligu waa mugdi, sidaa darteed
aynu ku dadaalno in aynu kor u qaadno
heerkeena waxbarasho si aynu u gaadho
horumar adduun iyo mid aakhiroba. ayuu yiri Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Puntland. (Farmayeeri)

Maamulaha Dugsiga Darwiish Mohamed abdulaahi ayaa isna dhankiisa kawarbixiyay in Dugsigu shalay Wax dhib ah ka qayb qaadan oo ardayda Darwiish imtixaan ku jireen wuxuuna kawarbixiyay hanaanka Waxbarashada Dugsiga iyo caqabidihii hortaagnaa inay ka baxeen hadana Dugsiga meel fiican marayo.
60

1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

11

12

14

15

16

17

18

19

21

24

25

27

29

30

31

33

34

36

37

38

40

41

42

43

44

45

46

48

50

55

56

57

58

59

By: Deeq Hurevov Madaxa xiriirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare

Scroll to Top