Agaasimaha Guud ee Wasaaradda waxabarashada iyo Tacliinta sare oo kormeer ku sameyey iskuulada Boosaso maalintii 6aad.

q31/ 10/2016- Agaasimaha guud ee wasaaradda Waxbarashada iyo Taclinta sare ee dowlada Puntland ayaa si habsimi socod leh ku maraya iskuulada ku yaal magalada boosaso.

Ujeedada kormeerka  agaasimaha guud ayaa ah u guurgalida xaladaha waxbarasho oo ka jira degmada boosaso  iyo Gobolka bariba, isagoo ay kormeerka Waxbarasho ku waheliyaan Gudoomiyaha Waxabarashada Gobolka iyo gudoomiyaha demada waxbarashada magalada boosaso.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxabarashada iyo Tacliinta sare Mohamed Abdulqadir cismaan ayaa baahiyo kala duwan ku arkay isuulada boosaso.

Agaasimha guud ayaa xog fiican ka qaatay Maamulayasha iskuulada.

Maamulayasha iskuulada boosaso ayaa inta badan ka cabanayey baahida ka jirta dhismayasha iskuulada  iyo Manhajka cusub ee fasalada 8aad oo wali la dabicin buugtiisa.

Maamulayasha iskuulada ayaa aad ugu mahad celiyey sida sida agaasimaha guud ugu yimi kormeerka  waxbarashada ka socota degmada boosaso.

Agaasimaha guud ayaa ah agaasimihii ugu horeyey oo goobo Waxabarasho aad u farabadan taga, Goobahas oo isku jira waxabarashada kala duwan oo dalka ka socota.

Agaasiamha guud ayaa indhiisa ku arkey waxyaalo badan oo ka qabasho u baahan kana dhagaysatay maamulka Waxabarashada ka jira goob Walba uu tago.

Dhinaca kalae agaasimaha guud ayaa la kulamay maamulayasha Waxbarashada dadka waa wayn Waxayna sheegteen baahiyo gaar u ah Waxabarashada dadka waa wayn ,kana duwan waxbarashada asaa siga ah.

Ugu danbayntii agaasimaha Guud iyo gudoonka Waxbarashada iyo degmada ayaa maray ilaa shalay ilaa maanta iskuulo aad u badan iyo jaamacadaha isagoo eegaya xalada waxbarashada  magalada  boosaso Sida : Dugsiga sare boosaso public, Dugsiga sare imaamu Nawaawi, Dugsiga sare Ugaas yaasin, Dugsiga sare Al Najaax ,Dugsiga sare ee Salahudiin ayuubi, iyo Dugsiga sare Shiikh Xamadaan,Isagoo la kulmay Maamulayaasha iskuulada ardayda iyo gudiga waaridiinta iskuulada.

Agaasimaha Guud ayaa fasalada ardayada F4  ka ah ku booqanayey galaasyada isagoo ku baraarujiyey imtixaanka ugu danabysata ah ee shahaadiga  ugu tartami lahayeen kaalmaha hore,  kana wacyi galinayey Tahriibta  iyo waxyalaha xun xun.

Waxa kale uu ardayda u sheegay inay bixiyaan lacagta Wadada ceel daahir una tahay sadaqo.

Hoos ka Daawo Sawiradda .

dsc01126 dsc01127 dsc01133 dsc01135 dsc01136 dsc01137 dsc01140 dsc01146 dsc01156 dsc01162 dsc01167 dsc01170 dsc01190 dsc01194 dsc01340 dsc01343 dsc01344 dsc01208 dsc01225 dsc01226 dsc01227 dsc01230 dsc01232 dsc01256

dsc01263 dsc01265 dsc01268 dsc01276 dsc01282 dsc01283 dsc01295 dsc01307 dsc01323 dsc01338 dsc01350 dsc01361 dsc01371 dsc01386 dsc01390 dsc01395 dsc01379 dsc01375 dsc01404 dsc01405dsc01370dsc01364dsc01361dsc01415dsc01405dsc01404dsc01395dsc01390dsc01386dsc01379dsc01375dsc01371dsc01416img_1496img_1439img_1323img_1351img_1350img_1323

By:Deeq Maxamed Warsame.

Xooghaynta Wasaaradda Waxbrashada iyo Tacliinta Sare

Please follow and like us face book Wasaaradda Waxbarashada puntland.
Scroll to Top