Agaasimaha Guud ee Wasaaradda waxabarashada iyo Tacliinta sare oo kormeer ku sameyey iskuulada Boosaso maalintii 7aad.

03-11- 2016 Agaasimaha guud ee wasaaradda Waxbarashada iyo Taclinta sare ee dowlada Puntland ayaa si habsimi socod leh ku maraya iskuulada ku yaal magalada boosaso.

Ujeedada kormeerka  agaasimaha guud ayaa ah u guurgalida xaladaha waxbarasho oo ka jira degmada boosaso  iyo Gobolka bariba, isagoo ay kormeerka Waxbarasho ku waheliyaan Gudoomiyaha Waxabarashada Gobolka iyo gudoomiyaha demada waxbarashada magalada boosaso.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxabarashada iyo Tacliinta sare Mohamed Abdulqadir cismaan ayaa baahiyo kala duwan ku arkay isuulada boosaso.

Agaasimha guud ayaa xog fiican ka qaatay Maamulayasha iskuulada.

Maamulayasha iskuulada boosaso ayaa inta badan ka cabanayey baahida ka jirta dhismayasha iskuulada  iyo Manhajka cusub ee fasalada 8aad oo wali la dabicin buugtiisa.

Maamulayasha iskuulada ayaa aad ugu mahad celiyey sida sida agaasimaha guud ugu yimi kormeerka  waxbarashada ka socota degmada boosaso.

Agaasimaha guud ayaa ah agaasimihii ugu horeyey oo goobo Waxabarasho aad u farabadan taga, Goobahas oo isku jira waxabarashada kala duwan oo dalka ka socota.

Agaasiamha guud ayaa indhiisa ku arkey waxyaalo badan oo ka qabasho u baahan kana dhagaysatay maamulka Waxabarashada ka jira goob Walba uu tago.

Dhinaca kalae agaasimaha guud ayaa la kulamay maamulayasha Waxbarashada dadka waa wayn Waxayna sheegteen baahiyo gaar u ah Waxabarashada dadka waa wayn ,kana duwan waxbarashada asaa siga ah.

Ugu danbayntii agaasimaha Guud iyo gudoonka Waxbarashada iyo degmada ayaa maray ilaa shalay ilaa maanta iskuulo aad u badan iyo jaamacadaha isagoo eegaya xalada waxbarashada  magalada  boosaso Sida : Dugsiga sare white tower,,Dugsiyadda Farsamada Gacanta iyo Waxabarashada Dadban, ,Isagoo la kulmay Maamulayaasha iskuulada ardayda iyo gudiga waaridiinta iskuulada.

Agaasimaha Guud ayaa fasalada ardayada F4  ka ah ku booqanayey galaasyada isagoo ku baraarujiyey imtixaanka ugu danabysata ah ee shahaadiga  ugu tartami lahayeen kaalmaha hore,  kana wacyi galinayey Tahriibta  iyo waxyalaha xun xun.

Waxa kale uu ardayda u sheegay inay bixiyaan lacagta Wadada ceel daahir una tahay sadaqo.

Hoos ka Daawo Sawiradda  Dugsiga sare White Tower, iyo xarunta farsamada Gacanta. iyo xarumaha Waxbarashada dadka waawayn

dsc01536 dsc01547 dsc01553 dsc01555 dsc01577 dsc01546 dsc01549 dsc01555 dsc01566 dsc01575

dsc01572dsc01734dsc01735dsc01754dsc01755dsc01760dsc01767dsc01769dsc01789dsc01790dsc01791dsc01802dsc01803dsc01805 dsc01559 dsc01536 dsc01540 dsc01542 dsc01543 dsc01547 dsc01552 dsc01553 dsc01554 dsc01577

dsc01716 dsc01717 dsc01668 dsc01669 dsc01673 dsc01674 dsc01697 dsc01701 dsc01703 dsc01709 dsc01711

By:Deeq Maxamed Warsame.

Xooghaynta Wasaaradda Waxbrashada iyo Tacliinta Sare

Please follow and like us face book Wasaaradda Waxbarashada puntland.
Scroll to Top