Agaasimaha guud ee Wasaarada Waxbarashada Puntland oo maanta xilkisii lagu wareejiyay.

18/10/2014, Garoowe:  Agaasimaha Guud ee wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowlada Puntland Keyse Cabdi Cali Shire oo dhawaan lagusoo magacaabay wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Puntland  ayaa maanta lagu wareejiyay xilkiisa agaasimaha guud.

Xilka agaasimaha guud ayaa ku dhawaad sanad waxaa si KMG ah u hayay Axmed Maxamed Warsame (Axmed Saahid) oo ah madaxa imtixaanaadka wasaaradda waxbarashada kadib markii uu xilkaasi baneeyay agaasimihii hore ee wasaaradda waxbarashada Maxamed Cabdi Wahaab Axmed.

Munaasabada xil-wareejinta oo ka dhacday xarunta wasaarada ee magaalada Garoowe ayaa waxaa kasoo qayb galay wasiirka waxbarashada ee Puntland, Dr Cali Xaaji Warsame, ku xigeenkiisa Dr Maxamed CaliFaarax, gudoomiyaha arimaha bulshada  barlamaanka Puntland xildhibaan Xasan Xaange iyo marti sharaf kale.

Keyse Cabdi Cali Shire agaasimaha cusub oo dhowaan loosoo magacaabay xilka agaasimaha guud ee wasaarada waxbarashada ee dowladda Puntland ayaa u-mahad celiyey Madaxda iyo shaqaalaha wasaarada isagoona ka codsaday in ay la shaqeeyaan si-uu uguto xilka uu maanta lawareegey.

Xildhibaan Xasan Xaange oo ka hadlay mubaasabada ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin agaasimaha cusub ee loosoo magacaabay,Wuxuuna sheegay wasaaradda waxbarashadu inay tahay wasaarad shaqo wanaagsan uqabata bulshada.

Wasiirka wasaarada waxbarashada ee dowladda Puntland Dr Cali Xaaji Warsame oo kahadlay munaasabadii xil-wareejinta ayaa agaasimaha cusub kusoo dhoweeyey wasaarada wuxuuna balan qaaday in ay ku caawin doonaan shaqada uu lawareegey.

Mudane Cali Xaaji Warsame wuxuu sheegay in wasaarada waxbarashadu ay kamidtahay wasaaradaha ugu qiimaha badan dalka qof walba oo kashaqeeyana uu yahay adeege dhexda uxirtay sidii uu uga shaqayn lahaa mustaqbalka dalka.

” Halkaan markaan imaanaynay waxaa xilka nagu wareejiyay wasiiro shaqo badan soo qabtay, waxayna arintu nagu noqotay xujo . Marka agaasimaha cusubna xilkaan lagu wareejinayo wuxuu ku noqonayaa xujo loo baahan yahay inuu kasoo baxo,” ayuu yiri wasiirka waxbarashada.

Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada Puntland ayaa qeyb ka noqonaya agaasimayaal guud oo dhawaan lasoo magacaabay ,kuwaas oo xilalkoodii la wareegay.

Daawo Sawirada.

DSC07740DSC07755DSC07758DSC07764DSC07777DSC07788DSC07792DSC07796DSC07800DSC07803DSC07804DSC07810


XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA WAXBARASHADA IYO TACLIINTA SARE EE DOWLAADDA PUNTLAND,

 

Scroll to Top