Agaasimaha guud ee Wasaarada Waxabrashada iyo Tacliinta Sare oo la kulmay ardayda Punland ee wax ka barata dalka Ethiopia

 

sep. 22. 2017, Agaasimaha Guud ee Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Puntland Maxamed C.qaadir Cismaan iyo Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiilada ee Dowladda Puntland Maxamed Cabdi Wasarsame (Weerow) ayaa kulan balaaran la qaatay ardayda iyo jaaliyada Puntland ee dalka itoobiya.

Xafladan oo si heersare leh loo soo agaasimay, ayaa intay socotay ardaydu uga warbixiyeen xaaladooda waxbarasho, heerka ay marayaan, guulaha ay gaareen iyo caqabadaha yar yar ee soo wajahay ardayda.

Sidoo kale xilibaan Maxamed Cabdi Warsame ” Weerow” ayaa uga warbixiyey jaaliyada iyo ardayda xaalada guud ee Puntland kusugan tahay dhanka horumarka, kaabayaasha dhaqaalaha ee dhismuhu ku socodo ama qorshaysan in la dhiso dhawaan, dhanka nabad galiyada,dhanka siyaasada.

Xildhibaanku wuxuu wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Puntland Ku amaanay shaqada culus ay u hayaan umada Somaliyeed khaas ahaan Puntland taas oo heer wanaagsan mareeso xiligaan ayadoo lagu mashquul san yahay sidii loo sii hormarin lahaa dhanka tacliinta sare , Sidoo kale wuxuu Xildhibaanku xusay qaabka wanaagsan, hufnaan iyo cadaalada ay kuso xulaan ardayda fursada waxbarasho ee wasaaraddu siisay kuwaas oo deeq waxbarasho ay Dowladda uga heshay dalal kala duwan.

Qaybaha kale ee jaaliyada sida , ganacsatada,waxgaradka, iyo hooyooyinka aya aad uga mahad celiyey agàasimaha sida ay Wasaaraddu mar walba ugu heelan tahay ardayda reer Puntland guud ahaan gudaha dalka iyo kuwa wax ka barata dalka dibadiisa sidoo kalana u yimid siduu u ogaan lahaa xaaladda ay ku sugan yihiin ardayda Puntland ee wax ka barta dalka Ethiopia.

Ugu dambayn Agaasimaha guud ee wassarada waxbrashada iyo tacliinta sare ee Puntland Maxamed C.qaadir Cismaan, ayaa dardaaran iyo dhiiri galin siyay dhalinta Kuna booriyay inay kor u qaadan aqoontoda kana dheeradan wax walba oo ka mashqulin Kara.

Agaasimuha Guud wuxu u mahad naqay dadalka qunsuliyada Puntland iyo dowrka wayn ay ka qaateen fursadaha waxbarasho ay Puntland ka hesho dalka Ethiopia khaas ahaan wuxuu si khaas ah ugu mhadnaqay Maxamed Aadan Xiray oo kaalin muqata ka qaatay xirirka waxbarasho ee Puntland iyo Ethiopia u dhaxeeya.        Ugu danbayn, Agaasimuhu wuxuu u mahad naqay Gudiga ardayda wax ka barata dalka Ethiopia oo aad isku xiran soona agaasimay xafladaan quruxda badan wuxuuna kula dardaarmay inay is caawiyaan iskana war qabaan ardaydu sidoo kalana ay ilaa shadaan midnimadooda iyo isku xirnaantooda.

Hoos ka daawo sawirada.21895269_1591437864251510_682902375_o 21903459_1591448047583825_1057504148_n 21903548_1591448084250488_28430305_n 21903741_1591448990917064_1378102118_n 21905366_1591455004249796_1941331414_n 21905607_1591453560916607_578018836_n 21908205_1591435064251790_569918293_o 21908227_1591432650918698_2028442466_o 21908253_1591442247584405_1498300918_o 21908343_1591434774251819_308953261_o 21908402_1591437404251556_75832574_o
21912691_1591457624249534_872120166_n 21912692_1591452220916741_736695969_n 21912773_1591448690917094_1376986510_n 21919267_1591452290916734_1553882905_n 21931085_1591442797584350_1745978583_o 21931119_1591439927584637_1958587730_o 21931694_1591447780917185_1081495067_o 21935311_1591454044249892_584910538_n

 

Scroll to Top