Agaasimaha cusub waaxda Maamulka iyo Maaliyada ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare oo xilkii kala Wareegay agaasime Waaxdkii hore Maamulka iyo Maaliyada ee Wasaaradda Waxbarashadda iyo Taclinta sare.

4/7aad/ 2018- Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyada ee Wasaaradda Waxbarashada dowladda Puntlan Mahad Colaad Maxamed ayaa maanta si rasmi xilkiisi ugala wareegay agaasimihi hore Waaxda Maamulka iyo Maaliyada ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Faarax mixile jaamac ahna Agaasimha Waxaada Maamulka iyo Maaliyada Wasaaradda deegaanka Puntland.
Xaflad xil wareejin ah oo ka dhacay xarunta Waxbarashada ayaa waxaa kasoo qeyb galay Wasiir ku xigeenka Waxbarshada iyo Tacliinta sare ee Dowlda Puntland Dr Maxamed Cali Faarax Wasiir Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare yaasiin Cabdi seed iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Taclinta sare Maxamed Cali Faarax (Farmaryeeri) iyo dhaamaan Shaqalaha Wasaarada Waxbarashada iyo Hay’addaha Tageera Waxbarashada.

ugu horayn Waxaa afka shaqalaha ku hadlay Agaasimaha Waaxda Tayeynta iyo Manahijta Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare C/qaadir Yuusuf Nuux.

Waxuu ka hadalay warbixino miisaan leh Shaqaalaha Wasaaradda ka war bixiyey isagoo ka codsaday sidii ay ula shaqeeyeen iyo si ka fiican inay u gacan siiyaan agaasimaha cusub ee ay Wasaaraddu yeelatay, waxaa kale oo uu ka codsaday Hay’adaha ka shaqeeya waxbarshada inay soo dhoweeyaan lana shaqeeyaan nidaamka cusub.

.

Agaasimihii hore Maamulka iyo Maaliyada ee Wasaaradda waxbarashada Faarax Mixile Jaamac ayaa sheegay inuu meel wanaagsan gaarsiiyay shaqada xafiiska Waaxda Maamulka , wuxuuna intaas ku daray inuu waayo aragnimo badan ka qaatay intii uu la shaqeynayay Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare.

Agaasimaha Waaxeedka Cusub Maamulka iyo Maaliyada ee wasaaradda waxbarashada Mahad Colaad Maxamed ayaa isna sheegay inuu ku faraxsan yahay shaqadaan cusub, isagoo u mahad celiyay shaqada uu qabtay agaasimihii hore, wuxuuna balanqaaday inuu si wanaagsan howshiisa ugasoo bixidoono haddii lagu garab lagusii howshiisa.

Mahad Colaad Maxamed wuxuu sheegay inuu si qadarin iyo xushmad leh ula shaqeyndoona qofka ugu sareeya iyo qofka ugu hooseeeya Wasaaradda Waxbarashada.

Waxuuna ka dib u Mahad celiyey Madaxweynaha Dawladda Puntland Prof. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo igu aaminay xilkaan weyn kaas oo labo Wasaaradood oo ka mid ah Wasaaradaha mugga ku leh Puntland iiga dhigay Agaasime waxeed , sidoo kalana wada shaqayn aan hagar lahayn aan kala kulmay.

Waxaa kale oo aan halkaan uga mahad celiyey Agaasimha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland Maxamed Cali Faarax Faramyeeri oo sheegay sida hagar la’aanta ah oo uu iigala shaqeeyay iiguna garab istaagay habsami u socodka Waxbarashada, isagoo mar walba lahaa talooyin joogta ah iyo waayo aragnimadiisa iyo hal-abuurkiisa taasoo keentay inay maanta wasaaraddu higsanayso meel fiican hawlo waaweyna ugu fuleen, waxaa sidoo kale u mahad celinyaa waqtigii fiicnaa uu nala soo qaatay iyo hay’addaha Tageera Waxbarashada sida ugu wanagasan ugala soo shaqeeyey maaliyada faarax Mixile. Ayuu yiri Agaasimaha Guud.

Wasiir Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Yaasiin Cabdi Seed ayaa aad ugu Mahad celiyay hawlihii uu uqabtay mudadii uu xilka hayey Agaasime Waaxeedkii hore ee Maamulka iyo Maaliyada Wasaaradda Waxabarashada iyo Tacliinta sare ayaa lahaaa Aqoon iyo khibrad waxbarasho ku ammaanay ina ahaa shaqasi adag oo waxqabad leh, oo jecel horumarka iyo Waxqabadka Dalka.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Dr. Maxamed Cali Faarax ayaa xaflada xil wareejinta ka jeediyay hadalo isugu jira mahad celin agaasimihii hore iyo soo dhowaynta agaasimaha cusub, waxayna ugu dambayn shahaado sharaf gudoonsiiyeen agaasimihii hore ee wasaaradda waxbarashada oo lagu ammaanay shaqo wanaagiisii.

   Hoos Ka Daawo Sawirada
IMG_8617 IMG_8618 IMG_8621 IMG_8622 IMG_8624 IMG_8625 IMG_8626 IMG_8627 IMG_8629 IMG_8632 IMG_8633 IMG_8634 IMG_8636 IMG_8637 IMG_8640 IMG_8643 IMG_8645 IMG_8646 IMG_8647 IMG_8651 IMG_8654 IMG_8656 IMG_8657 IMG_8658 IMG_8661 IMG_8662 IMG_8664 IMG_8666 IMG_8667 IMG_8668 IMG_8669 IMG_8673 IMG_8679 IMG_8682 IMG_8687 IMG_8690 IMG_8692 IMG_8693 IMG_8694 IMG_8695 IMG_8696 IMG_8697 IMG_8704 IMG_8706 IMG_8708 IMG_8709 IMG_8710 IMG_8711 IMG_8712 IMG_8713 IMG_8714 IMG_8715 IMG_8718 IMG_8729 IMG_8730 IMG_8731 IMG_8733 IMG_8734 IMG_8742 IMG_8743 IMG_8744 IMG_8745 IMG_8746 IMG_8747 IMG_8748 IMG_8749 IMG_8751 IMG_8752 IMG_8756 IMG_8757

 

By:Deeq Hurevov Madaxa isku xirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare

Scroll to Top