Wasaaradda Waxbarashadda Dowladda puntland 73 Maamule iyo Maamule ku xigeenada Dugsiyada Sare ee Puntland oo tababar u furtay.

06/07/2014,  Wasaaradda Waxbarashadda  dowladda puntland 73 Maamulayaasha iyo maamul ku xigeenada Dugsiyada Sare ee ku yaal guud ahaan gobolada iyo degmooyinka Puntland ayaa loo furay tababar socon doona muddo ku siman 14-maalmood, kaasoo ay ku qaadan doonaan hababka ugu casrisan ee loo maamulo Iskuulaadka, Samaynta Qorshayaal Horumarineed, iyo sidii maamuluhu u noqon lahaa hoggaamiyaha Dugsiga iyo arrimaha dhextaalka u ah waxbarashada.

Tababarkan oo ay si wada jir ah u soo diyaariyeen Wasaaradda Waxbarashada iyo Hay’adda Mercy Corps ayaa ah tababar la qabto sanadkiiba hal mar, kaasoo imminka soo gaaray gunaanadkiisii ayna ku hanan doonaan Shaadooyinkoodii waxbarashadii ay ku soo qaateen tababarkan iyo kuwii ka horreeyeyba.

Kulankii Furitaanka tababarkan ayaa waxaa hadal kooban oo dhiiri gelin ah ka jeediyay Kusimaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada ahna Madaxa Xafiiska Imtixaanaadka, isagoo u jeediyay inay ka faa;iidaystaan tababarkan kuna dabakhaan hawlqabadyadooda markii iskuulaadka la furo. Waxaa sidoo kale halkaasi kula hadlay maamulayaasha iyo macallimiinta tababarka loo furay Agaasimaha Mashaariicda, Tababarka Macallimiinta iyo Farsamada Gacanta Maxamed Cali Faarax (Farmayeeri), isagoo si qoto dheer uga waramay Mashruucaan wax lagu barayo Maamulayaasha iyo ku xigeenadooda iyo heerarkii uu soo maray, waxaana uu sheegay in la soo gaaray gabagabadii ay ku hanan lahaayeen shahaadooyinkooda iyo inay ficil ku muujiyaan waxyaabaha ay ka barteen tababarkani.

Cabdulqaadir Yuusuf Nuux oo ah Agaasiamaha TAYODHOWRKA WAXBARASHADA IYO MANAAHIJTA, ayaa isaguna u jeediayay hadallo kooban ayaa sidoo kale ku dhiiri galiayay ka qaybqaatayaasha tababarkani inay ka faa’iidaystaan ugana faa’iideeyaan dadka mudada tababarku socdo oo ah muddo kooban inay joogteeyaan xaadiritaanka iyo ka qaybgalka barnaamijyada tababarka.

Tababarkan ayaa la rajaynayaa inuu ku soo gabagaboobo muddo laba usbuuc ku siman iyadoo horraanta bisha soosocotana la furayo Guud ahaan Iskuulaadka Puntland marka laga reebo Iskuulaad ku yaal qaybo ka mid ah Gobolka bari oo kulaylka daraadiis loo dib dhigi doono muddo hal bil ah.

Daawo Sawiradda.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Scroll to Top