Wasaarada Waxbarashada Puntland Oo Hambalyo Udirtay Macalimiinta Soomaali Munaasabad Ku Aadan 21 Nov Maalinta Macalinka Aduunka

Wasaaradda Wabarashada Puntland  Soomaaliya ayaa hambalyo u dirtay dhammaan macallinmiinta Soomaaliyeed xilli ay maanta ku beeggan tahay maalinta macallinka Aduunka

21-ka November waa maalin xusuus mudan waa maalin ku asteysan xusuusaha maalmaha taariikhiga ah, waana Maaalinta Macalinka Soomaaliyeed, inkastoo maamuuskii iyo xafladihii loo sameyn sajiray maalinta weyn aanan la sameyn,

Maanta  oo kale guud ahaan Wadanka Soomaaliya waxaa ka dhici jiray xaflado waa weyn, guud ahaan  dugsiyada iyo jaamacaha  waxaa la fasixi jiray, iyada oo la qiimeynayo macalinka Soomaaliyeed, waxaa   jidadka iyo goobaha xafladaha  ka dhacyaan lagu hardhi jiray boorar waa weyn oo ku qoran  halku dhigyo ay ka mid yihiin   AQOON LA’AANI WAA IFTIIN LA’AAN, BAR AMA BARO, iyo erayo kale.
Qormo iyo warbixin  kaliya laguma soo koobi karo   qiimaha macalinaka Soomaaliyeed, waxaana maanta ay ku soo aaday xili  dalkii ay ka sii socdaan  colaadihii, qaar ka mid ah macaliimintii waa ay isaga soo qaxeen halka kuwo kalana ay   dhexda u xerteen sidii ay u caawin lahaayeen ubadka soo koraya.

 

Amaal Abdulahi Ali

Media Unit

Ministry Of Education

Scroll to Top