Barnaamijka bandhigga Bugaagta iyo Dhaqanka Soomaalida oo Maanta ka furmay magaalada Gothenburg

Barnaamijkan oo ay ka soo qayb galeen dadweyne aad u fara badan oo isugu jiray Iswidhish iyo soomaali ayaa ah barnaamij sanadle ah oo ay soo agaasinto jaaliyadda Puntland Community Organisation ee magaalada Gothenburg,isla markaasna lagu mari qaado dadka  muhiimka u ah bulshada sida  siyaasiinta,aqoonyahanada,abwaanada iyo qof kasta oo loo arko in uu u faa’idayn karo bulshada.

Hadaba sanadkan oo ahaa sanadkii labaad ee uu barnaamijkani ka dhaco magaalada Gothenburg ayaa dadkii lagu marti qaaday waxaa ka mid ahaa wasiirka waxbarashada Puntland, mudane Abdi Farah Said (Juxa) oo halkaa ka jeediyey khudbad ballaraan oo ku saabsan  geedisocodka xaaladda siyaasadeed ee soomaaliya. Sidoo kale waxaa hadallo qiima badan ka jeediyay qorayaal,aqoonyahano soomaaliyeed oo ay ka mid yihiin Saynab Daahir,Warsan Cismaan Saalax,Sahra Ahmed Kooshin, Maxamed sh. Xassan iyo Prof.Saciid Saalax.

Barnaamijkan oo socon doona ilaa Sabtida   ayaa ku soo idlaaday jawi aad u sareeya.

 

Amaal Abdulahi Ali

Ministry Of Education

Media Unit

Scroll to Top