Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare oo ansixinysa buuga qorshaha shanta sano oo soo socota.

1/April- Waxaa maanta oo Sabti ah magalada Garowe xarunta Puntland ka furmay kulan ballaaran oo lagu ansixinayo buuga qorshaha shanta sano ee soo socota 2017-2021 Waxqa badkeeda Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ( Education sector staritegic plan)  ESSP) waxaa  soo qaban qaabisay Wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowladda Puntland.

Shirkan oo  hal maalin soconaya waxaa furitaankiisa ka soo  masuuliyiinta gudoomiyeyaasha Waxbarashada iyo kormeerayasha Gobolada iyo degmooyinka  waxbarashada, sidoo kale waxaa goobjoog ahaa shirkaan agaasimaha Guud iyo shaqalaha dhaxe ee Xarunta Waxbarashada .

Madaxa qorshaynta Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare- Maxamed Axmed Warsame (shirdoon)  ayaa sheegay inay maanta ahmiyad gaar ah u lee dahay sidii loo ansixin lahaa buuga qorshaha shanta sano ee Waxbarashada Puntland, ayna qayb ka tahay hiigsiga waxbarashada Puntland, wuxuna meesha ka xusay inay juhdi iyo dadaal faro badan galiyeen ansixanta buugan qorshaha shanta sano ee soosocda.

Jaamac Cabdi bulshaale- Madaxa Qaybta EMIS-Ka ahna kusimaha Agaasimaha Waaxda qorshaynta ayaa khudbado dhinacyo badan taabaysa kasoo jeediyay shirka oo ay kasoo qayb galeen in ka badan 40-qof oo ka kala yimi gobaladda Puntland, wuxuna sheegay inuu ku faraxsan yahay diyaarinta qaabka ansixinta buuga qorshaha  waxbarashada Puntland 2017-2021.

 

Kasoo qayb galayaasha shirka ayuu Jaamaca bulshaale oo ah ku simaha agaasimaha waaxda qorshaynta ayaa sheegay inuu ka filayo inay ku daraan aragtidooda ku aadan qaab anisixinta buuga qorshaha shanta sano waxbarashada Puntlad, wuxuna sheegay buugaan  inuu sii hormarinayo waxbarashada Puntland si tartan loola galo waxbarashada dalalka caalamka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxabarshada iyo Tacliinta sare oo shirkaan furay Maxamed Abdulqadir cismaan ayaa sheegay inay tahay arrinta shirkan loo fadhiyo arrin musuulinimo , isla markasna diyaarinta ansixinta buuga qorshaha shanta sano  ay ka qayb galeen saraakiisha Waxbarashada bulshada matalaysa.

“ wuxuu yiri  Wasaaraddu waa inay hesho buug dhamaystiran oo xogta Wasaaradda oo dhan  ku qorshaysan tahay iyadoo xogta laga raacayo xog uruurinta Emis.

Hoos ka Daawo Sawiradda 

 

DSC01908 DSC01911 DSC01912 DSC01913 DSC01905 DSC01904 DSC01918 DSC01909DSC01900DSC01899 DSC01905 DSC01904 DSC01900 DSC01899

DSC01913 DSC01912 DSC01908 DSC01905 DSC01918

 

 

By:Deeq Maxamed Warsame.

Madaxa isku xirka Wasaaradda Waxbrashada iyo Tacliinta Sare.

 

Scroll to Top